Share this:

" />
Telesom Dahabshiil
Published On: Sat, Nov 7th, 2015

Wasiirka Caafimaadka Dr. Xaglatoosiye Oo Maaxtooyaddu Ka Dalbatay Inuu Ka Noqdo Musharaxnimadiisa Iyo Jawaabta Uu Ka Bixiyay Soo Jeedintaa

xaglatoosiyeHargeysa(ANN)Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Xaglatoosiye oo kamid ah Musharixinta u tartamaya jagada Maaxweyne ku xigeenka Xisbiga KULMIYE, marka la gaadho doorashada shirka golaha dhexe ee ku beegan 10 Nov 2015, kaas oo sadex maalmood inaga xigaan, ayaa loo soon jeediyay inuu ka tanaasulo musharxnimadiisa.
Sidaana waxa shebekadda wararka ee Araweelo News Network u sheegay warar laga helay ila wareedyo u dhow qasriga Madaxtooyadda Somaliland, kuwaas oo sheegay in Wasiir Xaglatoosiye Madaxtooyadu usoo jeedisay inuu ka tanaasulo musharaxnimadiisa iyo loolanka kaanabynka uu ku jiro’ ka hor inta aan la gaadhin shirka golaha dhexe ee KULMIYE.

Hase yeeshee Dr. xaglatoosiye, ayaa ku gacansaydhay soo jeedintaa, wuxuuna ku dooday in aanu ka tanaasulayn hankiisa, isla markaana uu haysto aqlabiyada golaha dhexe taageeradooda, balse sida ay sheegayaan ila wareedyadu, waxa jawaabtaa aan ku farxin dhinaca Madaxtooyadda.
Dhinaca kale Wasiir Xaglatoosiye oo aanu khadka isgaadhsinta kula xidhiidhnay, nooma suurta gelin inaanu helo si aanu su,aalo uga wediino xaqiijinta dhinaciisa ee wararkaa, balse dad ku dhow dhow, ayaa u sheegay inuu qorshaynayo sidii uu Madaxwenaha ugu gudbin lahaa is casilaad, isagoo ka cabsiqaba in xilka laga xayuubiyo, maadaama uu ku gacansaydhay soo jeedinta Madaxtooyadda.

Smiley face

About the Author

- Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Advertisement

Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp