araweelo News Network

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan)


Hargeysa (ANN)- Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed (Cali-marreexaan), ayaa iftiimiyey cidda leh masuuliyadda iibka hantida dawladda.
Wasiir Cali-marreexaan iyo Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland oo kulan la yeeshay Guddiga Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada, waxa uu faahfaahin ka bixiyey sifaha loo iibiyo guryaha iyo dhulka dawladdu leedahay iyo halka uu maro dhaqaalah aka soo baxaa.
Ugu horreyn waxa uu ka xog-warramay ujeeddada iyo natiijada kulan dhexmaray guddi-hoosaadka Wakiillada oo uu sheegay inay wax ka waydiiyeen hawlaha shaqo ee wasaaraddiisu hayso ee isugu jira dhinacyada waddooyinka, gaadiidka, guryaha iyo hantida kale ee dawladda, kuwaa soo ay warbixino faahfaahsan ka siiyeen wixii qabteen, waxa socda ee ay gacanta ku hayaan iyo qorshaha u yaal mustaqbalka inay fuliyaan.
“Dhammaan waxyaabihii aannu ka wadahadalnay si fiican baanu isula afgaranay, wixii ay nooga baahneeyeen ee su’aalo iyo sharraxaad ahba si ballaadhan oo hufan ayaanu u siinay,” ayuu yidhi.
Wasiirka oo warbixintiisa kadib ay suxufiyiintu waydiiyeen in wasaaraddiisu ay iibisay hantidii ugu badnayd ee dawladdu lahayd, waxa uu ku jawaabay, “Dhulkii ugu badnaa baa la iibiyey ha odhan ileyn xog tiro ah ma hayside, su’aasha inaad ii waydiiso ayey ahayd miyaa dhulkii ugu badnaa la iibiyey inaad tidhaa bay ahayd? Hantida la iibiyo ee dawladda dastuurka ayaa fasaxaya oo dawladdu way iibin kartaa, waanay kirayn kartaa si sharciga waafaqsan, taas oo macnaheedu yahay inay dhammaan nidaamka maaliyadeed iyo shuruucda dalka waafaqsan tahay, waa inay xisaabaadka martaa, waa inay Hantidhawraha guud soo martaa, waa inay khasnadda dawladda gashaa, markaa intaaba way soo martaa, iibkana waxa iibiya guddi qaran oo ka kooban wasiirrada Wasaaradaha Maaliyadda, Hawlaha Guud, Hantidhawraha Guud, Xeer-ilaaliyaha Guud iyo Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka, waxaanay dhammaan ku dhacdaa khasnadda dawladda dakhli iyo kharash. Markaa su’aasha taal waxa weeye maxaa lagu qabtaa? Waxa lagu qabanayaa bal soo qaad Miisaaniyadda Qaranka oo waxaad isu eegtaa dakhliga iyo kharashka waxa ku jira madax-miisaaniyeed la yidhaa iibka Hantida Dawladda oo dakhli ah, waxa ku jira madax-miisaaniyadeed la yidhaa dhismayaasha dawladda oo insa kharash ah, labadaas isku eeg, labanlaab in ka badan ayuu badan yahay kharashka dhismayaasha dawladdu, maxaa guryaha dawladda lagu dhisay? Maxaa wasaaradaha cusub ee aad aragtaan lagu dhisay? Waxaas oo dhan waxa lagu dhisaa dakhli soo galay oo ay ka mid tahay iibka hantida qaranku, sifo sharci ahna way ku baxdaa.”
Guddoomiyaha Guddiga Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire, ayaa isna sharraxay wadahadalka ay la yeesheen masuuliyiinta Wasaaradda Hawlaha Guud, waxaannu yidhi, “Wasaaradda Hawlaha Guud waa wasaaradaha ugu muhiimsan qaranka Somaliland oo hawlo badan oo ku saabsan xagga gaadiidka, waddooyinka iyo hantida dawladdaba gacanta inoogu haysa, waxaannu ka wadahadalnay arrimo fara badan oo ku saabsan qodobadaasi marka la eego waddooyinka iminka socda oo runtii waddooyin badan laga shaqeeyey oo ay hagaageen, wax badana aynu weli u baahannahay in aynu qabanno marka loo eego dhaqaalaheenna, waxa kaloo aannu ka wadahadalnay hantida dawladdu leedahay oo ay qodobada 12 iyo 13aad ee Dastuurka Somaliland ay u fasaxayaan in la iibiyo ama la kireeyo, iyadoo loo marayo xeerka jidaynaya qaabkaa.”
“Waxyaabaha badan ee aannu ka wadahadalnay waxaad moodaa in aannu isku wada afgaranay, afkaar iyo dadaal badan oo ay wadaana way noo sheegeen oo ku saabsan sidii kaabayaasha dhaqaalaha waddanka ay kor ugu qaadi lahaayeena,” ayuu yidhi Md. Naasir Cali Cali.