Hargeysa(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, Eng. jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal, ayaa ugu baaqay shirkaddaha bixiya Adeega Laydhka in ay Bulshada u jebiyaan qiimaha, isagoo sheegay xannuunka COVID-19 ee ku faafay aduunka oo Somaliland ka mid tahay in dunida uu saamayn ku yeeshay dhaqaalaha, taas oo saamaysay nolosha Bulshada.

 

, Sidoo kale, wuxuu sheegay in qiimaha Shidaalku uu gaadhay qiime aad u hooseeya, isla markaana ay jiraan qoysas badan oo aan awoodin in ay bixiyaan qiimaha Laydhka ee shirkadduhu ku dalacaan. Sidaa awgeed loo baahanyahay in ay shirkaddaha uu ku xusay qoraalka jebiyaan qiimaha oo ay fuliyaan amarka Wasaaradda.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland, Eng. Jaamac, wuxuu sidaa ku sheegay qoraal saxaafadeed uu ku saxeexnaa oo maanta kasoo baxay xafiiskiisa Magaalada Hargeysa.

Qoraalka Wasiirka oo lagu xusay magacyada shirkaddaha ay ku socoto fariinta xanbaarsan Awaamiirta ku waajahan Shirkaddaha Laydhka oo nuqul ka mid ah ay heleen Shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa u dhignaa sidan:-