Hargeysa(ANN)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, isla markaana ah  Afhayeenka xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo maanta xarunta wasaaradda warfaafinta kula hadlay warbaahinta,  ayaa ka hadlay qaabka ay xukuumaddu dib ugula wareegtay Hargeisa Club Hotel, oo ay maal-gashi ku wadeen muwaadiniin u dhashay Somaliland oo hore xukuumaddihii hore ugu wareejiyeen.

Wasiirka Warfaafinta, wuxuuna sheegay in ay arrintaasi qayb ka tahay hantida ay dawladdu dib ula soo wareegtay intii ay jirtay xukuumadani oo uu ka mid yahay Hargeisa Club Hotel, isagoo xusay in xukuumadda Madaxweyne dib ula soo noqotay Madaarka Caalamiga ah ee Berbera oo horre dawladda Imaaraadka loo siiyay iyo dhammaan waxyaabihii shirkaddaha gaarka ah lagu wareejiyay sida Haamaha Shidaalka, Lambarka Baabuurta iyo waxyaabo kale.

Sidoo kale, Wasiir Koore, wuxuu sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi la wareegtay dhulka laga qaaday muwaadinta ee laga dhigay Madaxtooyadda, kaas dhawr Kiilomitir ah. Sidaa awgeed wuxuu sheegay in Huteelkan oo ahaa hanti umadadeed aannu waxba ka duwanayn kuwaas.

Wasiir Koore, ayaa tilmaamay daryeel la’aan uu sheegay in ay haysato hantida la wada leeyahay ee bulshada ka dhaxaysa iyo sida aannay bulshadu xil iskaga saarin ilaalinta hantida guud, wuxuuna usoo jeediyay bulshada in ay kala doortaan in dhagax-dhagax look ala qaato iyo in la wada ilaaliyo.

Wuxuu sheegay in Qosyka uu kasoo Reer Ducaale oo Suldaan Siciid kasoo jeedo ay qaranka tacab badan ku leeyihiin, isla markaana ay ahaayeen dadkii nabadaynta qaranka iyo dhismihiisa hantidooda ku bixinayay, sidaa awgeed wuxuu sheegay in ay hayd haddii uu Suldaanku wax tirsado uu gar-naqado.

Dhinaca kale, Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, isla markaana ah  Afhayeenka xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), wuxuu bulshada Illaahay uga baryey  inuu ka salaamad yeelo xannuunka dalka ka jira inta uu ku dhacayna ka bogsiiyo,  inta u dhimatayna Allah u naxariisto, isagoo u soo jeediyey inaan bulshada la marin habaabin waxa kasta oo tafaraaruq iyo kala qayb sanaan keenayana laga fogaado, wuxuuna majeertay sida bulshada Somaliland ula socoto wacyiga dalka ka jira..

Geba-gebadii Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali (koore), ayaa ganacsatada iyo dadka illaahay maalka siiyay ugu baaqay inay caawiyaan walaalahooda danyarta ah xiligan lagu gudo jiro bish barakaysan ee Rmadaan iyo inta ay jirto xaaladda xannuunka Coronavirus ee dhibaatada dhinaca dhaqaalaha ah gaadhsiiyey bulshada.

Halkan ka Daawo Hadalka Wasiirka oo Dhamaystiran