cabdullaahidheereHargeysa(ANN)Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Aadan Habbane (Cabdillaahi-dheere), ayaa sheegay in dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo hay’ado kala duwan cidhiidhi geliyeen waxbarashada dalka, kuwaasoo uu xusay in mid kastaaba haysto manhaj u gaara.
Md. Cabdillaahi-dheere oo hadal ka jeediyey kulan lagaga hadlay qorshaha jaamacadaha ka hawlgala Somaliland shanta sanno ee soo socda oo Hargeysa lagu qabtay shalay, waxa kaloo uu sheegay in aanay Somaliland jirin dawlad awood leh oo cilmi-baadhis ku samaysa tayada tacliinta sare, sidaa awgeedna loo baahan yahay in la wada-tashado.
 “18 sanno ka hor ayeynu furnay jaamacad, ilaa maantana way socdaan, waana in aynu cilmi-baadhis ku samaynno maxaa inoo qabsoomay 18-kaa sanno. Dawlad xooggan oo cilmi-baadhistaas samaysa ma lihin, laakiin wada-tashi ayeynu kaga baxaynaa,” ayuu yidhi Wasiirku.
Waxa kaloo uu caddeeyey in nidaamkii waxbarasho ee dalku noqday baayac-mushtari laga ganacsado, waxaannu yidhi; “Waxbarashadii waxa cidhiidh geliyay hay’ado yaryar – 19 Hay’adood ayaa ku xidhiidhsan waxbarashada – haddana wax muuqda oo waxbarashadii iska beddelayaa ma jiraan, dhinaca kalena dugsiyada gaarka ah oo mid waliba wato manhaj gaara, taasi ayaa xun.  Ma lagu dhisi karaa qaran. Yoolkeennu ha ahaado qaran mid ah oo hal manhaj leh, laga bilaabo dugsiga hoose ilaa jaamacadda, qaar badan ayaa manhajyo shisheeye sita, iib-gayn ayey noqotay waxbarashadu. Tacliinta aynnu ka dayno baayac- mushtaraynta, waana in aynnu dhammaanteen wada shaqaynyo oo ubadkeenna u shaqaynno.”
Sidoo kale, wasiirku ayaa u soo jeediyey jaamacadaha inay iska hubiyaan ardayda iyo macallimiinta ay qaadanayaan si tacliintu tayo u yeelato, “Waxa weeye inaynnu hal ujeeddo yeelanno oo hal dariiq u wada marno aayaha mustaqbalka carruurteenna, nidaamka la raacayana waynu ka doodi doonnaa. Ardayga galaya jaamacadda waa inuu haystaa shahaadadii dugsiga sare oo sax ah, lix bilood ku hay xaruntaada, kadib ka koobiyayso. Haddii ardaygu yahay darajada (D) yahay waa inuu qaataa kooras lix bilood ah. Waa la is-fatashi oo ardayga soo galaya ayaa la eegi, macallinka ayaa la eegi, waa la kala shaandhayn, midba mid ayey ka dheeree is leedahay. Waar intaan garanayno aan ardayda u gudbinno oo ardaygu marka uu jaamacadda ka soo baxo waa inuu cilmi-baadhis aqooneed qori karo.”
Dhinaca kale, waxa uu ku wargeliyey guddoomiyeyaasha jaamacadaha dalka in la samayn doono qiimayn lagu kala saarayo tayada waxbarasho ee ay bixiyaan.
“Aynu xaqiiqda waajahno oo intaan naqaanno aan ardayda u dhigno, inta kale waqtigeeda ha la gaadho. Annagu (Wasaaradda Waxbarashada) waxaannu odhanaynaa jaamacadda qaldan way qaldan tahay, tii saxsanna dadka waannu u sheegaynaa, wanaaggeedana waannu sheegaynaa. Jaamacadda waajibaadkeeda ka soo baxda waannu dhiirrigalinaynaa, ta xunna haddii aannu albaabada u laabi wayno waannu sheegi doonnaa,” ayuu yidhi Wasiir Habbane.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380