Araweelo News Network


Nairobi(ANN)-Wasiirkii Amniga Gudaha ee Dalka Kenya Mr.Joseph Nkaissery ayaa ku geeriyooday Cusbitaal lagu magacaabo Karen oo ku yaal magaalada caasimadda ah ee Nairobi.
Sida ay shaacisay Madaxtooyada Dalka Kenya Mr. Joseph Nkaissery, ayaa si lama filaan ah u geeriyooday, kadib markii xalay loola cararay Cusbitaalka, iyadoo aan la shaacin sababta geeridiisa.
Joseph Nkaissery, wuxuu ka mid ahaa wasiirrada lafdhabarta u ahaa xukuumadda Madaxweyne Uhuru Kenyatta ee ay aad isugu dhowaayeen, wuxuuna hormood u ahaa dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al- Shabaab ee ciidamadda Kenya ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Warbaahinta Kenya, ayaa sheegtay in wasiirka dhintay uu shalay ka qeyb galay isu soo bax doorashooyinka lagu taageerayay oo ka dhacay fagaaraha weyn ee Uhurua Park oo ku yaal badhtamaha magaalada Nairobi.
Dhinaca kale Madaxweynaha Kenya ayaa ku dhawaaqay maalmo baroordiid ah loo sameeyo Joseph Nkaissery oo ahaa wasiirkii amniga gudaha Kenya tan iyo markii xilkaa loo magacaabay sanaddii 2014, wuxuuna xilal kala duwan kasoo qabtay Xukuumadihii hore ee Kenya.