Araweelo News Network

Wasiirkii Arrimaha Dibedda Ethiopia Mudada Dheer Iyo Saraakiil Kale Oo La Dilay

Addis Ababa(ANN)- Xukuumadda dalka Ethiopia ayaa sheegtay in dishay saddex sarkaal oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee jabhada qowmiyada Tigray ee TPLF.

Saraakiisha ayay xukuumaddu sheegtay in lagu dilay hawlgal ciidamadeedu ka fuliyeen woqooyiga gobolka Tigray ee dagaaladu ka socdeen tan iyo November kaddib markii ra’iisal wasaare Abiy Axmed uu gulufka ciidan ku kiciyay maamulkii iyo ciidamadii gobolka Tigray.

War qoraal ah oo kasoo baxay xukuumadda dalka Ethiopia, ayaa lagu sheegay in saddexda sarkaal ee la dilay uu ku jiro siyaasiga caanka ah ee Seyoum Mesfin oo muddo labaaatan sannadood ku dhow ahaa wasiirka Arrimaha dibedda dalka Ethiopia ee xukuumaddii Federaalka ee Meles Zenawi, isagoo ka mid ahaa xubnihii ay Meles wada aasaaseen jabhada TPLF, sidoo kalena Seyoum Mesfin, ayaa ahaa Ambassador dalka China u jooga Ethiopia.

Sidoo kale, waxa ku jira saddexda sarkaal ee xukuumadda Ethiopia sheegtay in la dilay Wasiirkii hore ee arrimaha federaalka Abay Tsehaye iyo madaxii hore ee baarlammaanka, Asmelash Woldeselassie.

Warka ay xukuumaddu soo saartay waxay ku sheegtay in saddexdaa sarkaal ay ku dhinteen rasaas ay is weydaarsadeen ciidanka khaaska ah ee denbiyada, iyagoo diiday in ay isu dhiibaan ciidanka. Sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay xukuumadda, balse laguma sheegin qoraalka faahfaahin dheeraad ah oo la xidhiidha dilka saraakiisha sare, goobta lagu dilay iyo in jireen ciidamo ka garab dagaalamayay ama meel gaar ah laga helay.

AKHRI: Ethiopia Oo Sheegtay In Saraakiil TPLF ah La Dilay Kuwo Kalena Lasoo Qabtay

Kumanaan qof ayaa ku dhintay tan iyo November markii dagaalku ka bilaabmay gobolka Tigray, iyadoo kumanaan kale u qaxeen dalka Suudaan, sida ay sheegtay kooxda xasaradaha adduunka ee ICG.

Abiy ayaa ku dhawaaqay guul dabayaaqadii bishii November kaddib markii ciidamada federaalka ay galeen xarunta gobolka ee Mekele.

Laakiin kooxda TPLF ayaa wacad ku martay inay sii wadayso dagaalka, UN-ka ayaa soo tabisay todobaadkii hore in “dagaalada maxaliga ah iyo amaan darada ay sii socdaan” meelo badan oo gobolka ah.

AKHRI:  Ethiopia Oo Shaacisay Saraakiisha TPLF ee Isu Dhiibay Dawladda

Hogaanka sare ee kooxda TPLF ayaa weli baxsad ah, lamana oga halka ay ku suganyihiin, walaw maalmihii la soo dhaafay dowladdu  ku dhawaaqday inay qabatay saraakiil badan oo ka tirsan TPLF, oo uu ku jiro Sebhat Nega, oo xubin ka ahaa aasaasayaashii TPLF, balse TPLF, ayaa sheegtay halgamaa la qabto iyo sarkaal in aannu ku istaagayn halgankoodu, waxayna ku hanjabeen in xataa haddii madaxda TPLF oo dhan ay dawladda Ethiopia qabato in ay sii wadayaan dagaalka ay ku xorryanayaan gobolkooda.