Hargeysa(ANN)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Faarax Cilmi Geedoole, ayaa sheegay inay Maxkamadda sare u gudbiyeen Dacwad ka dhan ah Hoggaanka Xisbiga Waddani, isagoo sharci-darro ku tilmaamay Saxeexa Xoghayaha guud ee Xisbigaas.

Prof: Geedoole oo maanta u waramay Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal, isla markaana lagu waraystay Barnaamijka Xog-wadaag ee ka baxa Telefeshinka Baddacas24, waxa uu sheegay inay Siyaasiyiinta Garabka Badbaadada Waddani la baxay ee uu ka midka yahay qabsan doonaan Shirweyne haddii ay Maxkamaddu go’aan degdeg ah soo saari weydo dawladooda, isla markaana ay furan doonaan Xafiisyada gobollada iyo degmooyinka dalka Somaliland ee ay ku metelayaan Xisbiga, sida uu ku dooday.

Geedoole waxa uu sheegay inay ku qanci doonaan qaraarka ay Maxkamaddu soo saarto, haddii uu ka farxiyo iyo haddii uu ka nixiyaba, maaddaama oo ay markasta sharci u ayidsan yihiin go’aanka Maxkamadda sare ee dalka.

Dhinaca kale, wuxuu naqdiyay Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani oo 29-ka bishan ka furmi doona magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Halkan Ka Daawo Barnaajimka Waraysigaa oo dhamaystiran