Araweelo News Network

Dubai (ANN)- Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kulan xog-warraysi ah la qaatay masuuliyiinta shirkadda DP WORLD ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, taas oo gacanta ku haysa maamulka iyo casriyeynta dekedda magaalada Berbera.
Sida lagu sheegay qoraal uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md. Xuseen Aadan Cige (Dayr) oo saxaafadda soo gaadhay , kulanka dhexmaray wasiirrada Somaliland iyo saraakiisha DP WORLD oo ka dhacay magaalada Dubay (Dubai) ee dalka Imaaraadka Carabta, waxa lagu falanqeeyey casriyeynta dekedda Berbera.
“Xubno ka mid ah weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa magaalada Dubai kulan xog-warreysi ah kula yeeshay masuuliyiinta sare ee Shirkadda DP WORLD. Kulankaas ayaa waxa lagu lafo-guray hawlaha adeegyada ah dekedda Berbera qabato iyo sidii loo qabyo-tiri lahaa fullinta waxyaabaha dhiman. Sidoo kale waxa lagaga wadahadlay casriyeynta dekadda Berbera oo lagu qalabayn doono qalab casri ah. Kulankan waxa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ku wehelinayay Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Qorsheynta iyo la-taliayaha madaxweynaha ee arrimaha saxaafadda,” ayaa lagu yidhi qoraalka kooban ee ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Somaliland.