Araweelo News Nrtwork

Cismaan indhoole

Hargeysa (ANN)- Badhasaabkii magaalada Hargeysa kala wareegay dawladdii Ingiriiska 26 June 1960 Mr. Cismaan Axmed Xasan (Cismaan Indhoole), ayaa kula dardaarmay bulshada in la dhaqaaleeyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland, lagana ilaaliyo wax kasta oo wiiqaya qaranka Somaliland.
Mr. Cismaan Axmed Xasan (Cismaan Indhoole oo hadal ka jeediyey munaasibad lagu xusayey sannad-guurada 57aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland xoriyadda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska oo lagu qabtay madaxtooyada Hargeysa, waxa uu yidhi; “57 sanno horteed ayey ahayd markii Ingiriisku dalka ka baxay, nasiibna waxaan u yeeshay in maalintaa aan noqdo ninkii ugu horeeyey ee calan Soomaali leedahay oo xor ah loo dhiibay ninkii loo dhiibay inaan noqday ayaan Ilaahay ugu mahadnaqayaa, waxaan xasuusnahay maalintaa dadka joogay ee reer Somaliland qof waliba wuxuu islahaa adigaa xornimada helay, qofna qofka kale hawsha kuma halaynayn, wadada maalintii la marayey qofka meel qaloociya lama sugayn, nimanka booliska ah ee qof waliba dhankiisuu ka waday, intiinan maanta halkan fadhidaa iyo inta i dhegaysanaysaaba waad la socotaan waxay ahayd iyo meelaha halkii wax laga filayey la waayey Soomaalidu waxay wadaantu haddii ay qaloocato wuxuunbaa ku hadha. Wadaantii qaloocatay, laakiin ka gaadhay oo Ilaahay baa looga mahadnaqaa, inagana maxaa inala gudboon? Maxaa la inaga doonayaa? Maxaa la inaga filayaa? da’waliba da’da kasii danbaysa ayey u sii tirinaysaa waxaa la inaga doonayaa amma inala gudboon ba inanaynu dhaqaalayno calanka halkaa inoo taagan.”
Oday Cismaan Indhoole ayaa sidoo kalena dadka reer Somaliand la dardaarmay, waxaannu yidhi; “Waxaynu ku dhaqaalaynayanaa dhammaan inanaynu meel uga soo wada jeedsano qof waliba uu dhankiisa ka ilaaliyo oo ka kale aanu ku halayn wadajirku kaasuu ku imanayaa [Soomaalidu waxay tidhaahdaa nabadda adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola], ta u horaysa waar horta aan nabadda ilaalino, ta labaad bani’aadam baynu nahay waynu is qardoofaynaynaa waa is qaloocinaynaa aan isu dul qaadano aanu isasaamaxno, anigu muslimka oo dhan waan saamaxay mid i xumeeyey iyo mid kaleba waxaanan u yeelayaa wax ka weyn baan filayaa, Ilaahayna aan la cuskano waxa ina soo maray iyo dhibaatadeeda si aan uga baxno si aan u gaadhno himiladeena oo aan filayo inay dad badani iiga danbayn doonaan inaynu Adduunka meesheenii ka muuqano oo aan cidina inoo noqonin turjumaan ee aynu halkeenii ka muuqano aynu Ilaahay ka barino, una dedaalno.”