Madaxa golaha Yurub, Jean-Claude Juncker oo ka hadlaya shirka G20.

Madaxa golaha Yurub, Jean-Claude Juncker oo ka hadlaya shirka G20.

Ankara(ANN)Madaxa golaha Yurub, Jean-Claude Juncker, ayaa sheegay inaan loo baahneyn in isbadal lagu sameeyo siysaasadda muhaajiriinta soo galootiga ku ah Midowga Yurub, kaddib weeraradii Paris. Isagoo ka hadlayay shirka G20 ee ka socda Turki, ayuu sheegay in dadka ku lug lahaa weerarada ay yihiin dembiilayaal, isla markaana aanay ahayn Qaxooti.
G20 flags Ankara

G20 flags Ankara


Dhawaaqa Madaxa Golaha Yurub, Mr. Jean-Claude, ayaa yimi kaddib markii mid ka mid ah kooxda weerarka ku qaaday dalka Faransiiska todobadkii ina dhaafay uu ahaa qof sitay dhalasho Suuriyaan ah, kaas oo ay dawlada Faransiisku sheegtay, inuu Yurub ka soo galay Giriigga lix toddobaad ka hor.

Madaxweynaha Turkiga Rejap Dayib Erdogan oo ka hadlay kulanka ka socda dalkiisa ee dalalka G20, wuxuuna dhankiisa sheegay in isbahaysiga la dgaalamaya kooxda dawlada Islaamiga ahi ay dib u eegayaan talabooyinka ay qaadayaan, isla markaana ay fariin adag u dir doonaan Kooxaha argagaxisada.
sidoo kale Madaxweynaha Maraykanka Obama oo ka mid ah hoggaamiyayaasha ka hadlay shirka, ayaa sheegay in dalkiisu uu barbar taagan yahay Faransiiska , wuxuuna isagoo ka dhican hadlaya Madaxweynaha Turkiga sheegay in dad shicib ah oo layska dilaa ay tahay wax kasoo horjeeda bani’aadanimada.

Madaxweyne Obama, ayaa sheegaya in laga wada hadli doono sidii loo joojin lahaa dagaalka Suuriya, iyadoo la filayo inuu maanta wadhadalo gaara ah oo ku saabsan amuurtaa uu la yeelan doono Boqorka Sucuudiga Salmaan Bin Abdulasiis.

Dhinaca kale warka Madaxa Midawga Yurub, ayaa soo baxay, iyadoo Saraakiisha dalalka Poland iyo Slovakia ay sheegeen in aanay doonayn inay sameeyaan heshiiskii Yurub oo ahaa in dib u dejin loogu sameeyo tobanaan kun oo Muhaajiriin Qaxooti ah, kuwaas oo bilihii u danbeeyay ka tahriibay Afrika iyo Bariga dhexe, isla markaana ku sugan dalalka Yurubta Bari.

Shirka, ayaa ajandihii hore loogu qorsheeyay in lagaga hadlo, ama xoogga lagu saaro, waxa wax ka bedelay weeraradii khasaaraha baddan dhaliyayee Jimcihii ka dhacay Paris, waxaana la saadaalinayaa in aanay arragti midaysan kasoo baxay, maadaama ay labada Hoggaamiye Maraykanka iyo Ruushka oo hore wax baddan isugu khilaafsanaa ka wada qaybgaleen shirkaa, kuwaas oo isku diidan arrimo baddan oo qaarkood miiska yaaliin, isla markaana ay ugu waaweyn yihiin waxa laga yeelayo mustaqbalka Suuriya iyo dagaalada ka socda Suuriya iyo Ciraaq oo loo nisbaynayo inay xaalada Bariga dhexe ka dhigeen goob fawdo ah oo sababay in boqolaal kun oo muhaajiriin u baddan Haween iyo Caruur u qaxaan dhinaca Dalalka Yurub, iyadoo wadamo baddan diidmo weyn ka muujiyeen inay galaan xuduudaha dalalkooda, taas oo sababtay inay ku kala aragti duwanaadaan hoggaamiyayasha shirka iyo kuwa dalalka ay dadkaasi u talaabeen intooda baddan oo diiday inay cagta dhigaan wadamadooda.

Araweelo Ngti ews Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380