Paris(ANN)Ugu yaraan 140 qof ayaa lagu dilay weeraro lo adeegsaday rasaas iyo qarxyo ka dhacay dhowr meelood oo caasimadda Paris ah
100 qof oo ka mid ah dadkaasi waxa ay ay ku dhinteen goobta cawayska Bataclan.
Weerarada kale waxa ay ka dhaceen garoonka kubadda cagta ee Paris iyo maqaaxi ku taala waqooyiga Paris, waxaana Faransiiska lagaga dhawaaqay xaalad deg deg ah, iyadoo la xidhay dhamaan xaduudaha dalka oo dhan.
Dadweynaha Paris waxaa loo sheegay in aanay guryahooda ka bixin ilaa Aaron Danbe.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in dhamaan iskuulada iyo jaamacadaha Paris la xidhi doono maanta.