Hargeysa(ANN)-Wefdi balaadhan oo ka socday labada xisbi ee Somaliland ee UCID iyo Kulmiye oo ay hogaaminayeen Wasiirka arrimaha gudaha, Maxamed Kaahin Axmed iyo guddoomiyaha xisbiga UCID ,Faysal Cali Waraabe ayaa kulan la yeeshay qaadhaan-bixiyeyaasha Midawga Yurub ee ku sugan Nairobi.

masuuliyiinta wefdiga ka socday Somaliland ee kulankan ka qaybalay, ayaa warbixin ka siiyeen safiirada dalalka Denmark, Sweden, Germany, UK iyo kuwo kale oo Somaliland saaxiib la ah, kuwaas kala hadlay sida Somaliland ay uga go’antahay inay sii wado horumarinta , maamulida iyo diyaarinta doorashooyin ka dhaca Somaliland oo ku qabsooma wakhtigii loogu talo galay.

Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Amb Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa sheegay in Somaliland ay mar kale ku celinayaan in shacabku ay u qalmaan doorasho si wanaagsan u diyaarsan oo gacan ka geysan karta in degenaansha iyo barwaaqada dalku ay sii waarto.