Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta u ambabaxay dalka Mareykanka, halkaas oo uga qeyb gali doono shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

Sida lagu Qoraal saxaafadeed kooban oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa lagu xusay in Mudane Khayre oo safarka ay ku weheliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo madax kale, ayaa garoonka Muqdisho ka raacay diyaaradaha rakaabka qaada, si loo ilaaliyo hantida qaranka iyo dhaqaalihii faraha badnaa ee ku bixi jirey safarada madaxda Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu sugan yahay dalka Mareykanka sidoo kale la kulmi doono qaar kamid ah hoggaamiyaasha Caalamka ee shirka ka soo qeyb galaya.

—-DHAMMAAD—-
Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka
Muqdisho, Somalia
media@opm.gov.so
ahmednur@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM