Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)- Wefti ballaadhan oo ka tirsan xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa socdaal la xidhiidha wacyigelinta qaadashada kaadhka codbixinta ku tagay degmooyinka Sabo-wanaag, Sallaxlay iyo Balligubadle oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Maroodi-jeex oo waqtigan hawsha bixinta kaadhadhku ka socoto.
Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ay wehelinayeen masuuliyiin sare , madaxda heer gobol, xildhibaanno iyo saraakiil kale, ayaa socdaal ujeeddadiisu tahay dhiirringinta qaadashada kaadhka codbixinta doorashooyinka soo socda ku maray degmooyinka Sabo-wanaag, Sallaxlay iyo Balligubadle iyo deegaannada hoos yimaad shalay, iyadoo dadweynaha ku dhaqan dhammaan degmooyinka ay soo dhawayno waawayn ku qaabileen weftiga, una muujiyeen taageerada baaxadda leh ee ay u hayaan xisbiga KULMIYE oo ay doonayaan inay mar kale ku doortaan, uguna coddeeyaan marka la gaadho 13 November 2017 oo ah waqtiga doorashada Madaxtooyadu ka qabsoomayso Somaliland, haddii Ilaahay yidhaah.
Weftigu waxay kulamo goobo fagaare ka dhacay kula qaateen dadweynaha magaalooyinka ay socdaalka ku mareen, waxayna u sharraxeen muhiimada uu kaadhka codbixintu u leeyahay qofka muwaadinka ah iyo guud ahaan qaranka Somaliland, sidaa darteedna waxay ku boorriyeen in aanay u kala hadhin qaadashadiisa ciddii hore isu diiwaangelisay.
Masuuliyiinta xisbiga KULMIYE oo socdaalkooda ku maray deegaanno iyo tuulooyin fara badan oo hoos yimaad saddexdaasi degmo oo qaarkood ku yaalaan jiidda dhereren xuduudda Somaliland la wadaagto Itoobiya, waxase meelaha amma magaalooyinka ay ka fuliyeen farriimaha wacyigelinta ah ee la xidhiidha qaadashada kaadhka ka mid ahaa; Qoolcaday, Balli-ciise, Balli-kaliil, Sabo-wanaag, Sallaxlay, Xasan Aadan, Balli-gubadle, Balli-cabbane iyo Sayla, kuwaas oo dhammaantood iyagana bulshadu si qalbi furan ugu soo dhawaysay.
Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE, ahna hoggaamiyaha weftiga Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa dadweynaha faahfaahiyey ujeeddada kormeerkooda iyo farriinta wacyigelinta ah ee ay bulshada u sidaan oo ah qof waliba qaato kaadhkiisa codbixinta ee uu xaqa u leeyahay si Somaliland guul uga gaadho diiwaangelintii kharash iyo waqtiga badan ku baxeen iyo in la helo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ku salaysan hal qof iyo hal cod oo ka qabsooma dalka Jamhuuriyadda Somaliland mustaqbalka dhaw, haddii Ilaahay yidhaah.