Hargeysa(ANN)- Cabduullaahi Aadan Cumar (Wayab) oo ka mid ah Suxufiyiinta Somaliland ee seeska u dhigay Saxaafadda xorta ah ee ka hanaqaaday geyiga Somaliland, xilligana ah afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka Iyo wacyigelinta Somaliland, ayaa ka hadlay qadiyaha Somaliland ee 29 jirsatay Iyo Wada hadlalada Somaliland Iyo Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay marxaladihii ay soo martay Somaliland Iyo halka ay maanta taagantahay, isagoo dhinaca kale tilmaamay qaabka looga midha dhalinkaro qadiyada madaxbanaanida Somaliland Iyo Baaq ay soo saareen koox dhalinyaro oo ay kaga hadleen 29 sannadood kadib Somaliland halka ay  marayso.

Cabdullaahi Aadan Cumar (Wayab)’ wuxuu arrimahaa Iyo kuwo kale kaga hadlay Waraysi uu siiyay Telefishanka SAABTV.

Waraysigaa oo muuqaal ah halkan ka Daawo.