dagaalkagaalkacayoGaalkacayo(ANN)Xaalada Magaalada Gaalkacayo ee badhtamaha Somalia, ayaa degan kadib dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo shalay ku dhexmaray halkaa Ciidamo kala taabacsan Maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug ee Somalia.
Saraakiisha Caafimaadka, ayaa sheegay in dagaalka shalay uu sababay ku dhowaad 20 qof oo malayshiyada labada dhinac ka dhintay, iyadoo ilaa 30 qof ku dhaawacmeen, kuwaas oo lagu dawaynayo Cusbitaalada magaalada,
Dagaalka ayaa labada maamul midba ka kale ku eedaynayaa inuu sabab u ahaa weerarka, iyadoo boqolaal qof ka qaxeen magaalada, balse xaalada ayaa degan maanta sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Gaalkacayo.
Masuuliyiinta dawlada Somalia ee Federaalka oo uu horkacayo Raysal Wasaare Cabdirashiid Sharmaarke iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia, ayaa gaadhay halkaa si xiisada colaadeed loo qaboojiyo. sidoo kale waxa magaalada Gaalkacayo gaadhay Madaxda Maamul goboleedyada Kismaayo, Axmed Madoobe, Madaxweynaha Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo doonaya inay xaalada colaadeed ee magaalada Gaalkacayo dejiyaan.

Labada maamul ee magaaladda iskuhaya ee Puntland iyo Galmudug ayaa mudooyinkii u danbeeyay muran dhinaca maamulka ah ka dhexeeyay, iyadoo midba midka kale ku eedaynayaa inuu dhibaatada wado.
Hase yeeshee Raysal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar uu ku tagay magaalooyinka Cadaado iyo Garowe, ayaa warbaahinta kula hadlay garoonka Aadan Cabdulle, wuxuuna rajo ma kuujiyay xal u helida colaada Gaalkacyo, isaga oo xusay in kulamadii uu la qaatay hogaamiyeyaasha labada dhinac ay u muujiyeen dabacsanaan iyo inay diyaar u yihiin in la joojiyo falalka gacan ka hadalka ah.

“Waxaan u soo saaray guddi heer wasiiro ah, waxayna gaari doonaan magaalada Gaalkacyo iyo goobihii gacan ka hadalku ka dhacay, waxaana rajeynayaa in xal waara oo nabadeed laga gaaro” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in dadka ku dhaqan degaanadaasi ay yihiin dad walaalo ah, loona baahan yahay inay khilaafaadkooda ku xalistaan miiska wadahadalka.

Rayasal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Somalia Cumar Cabdirashiid Sharmarke, wuxuu ugu baaqay dhinacyada ku lugta leh dagaalka magaalada Gaalkacyo inay si deg deg ah u joojiyaan, ayna dib uga fakaraan natiijada dagaalka, oo ah dhimasho, dhaawac, burbur hanti iyo barakac.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380