London (ANN)- Xaflad aad loo soo agaasimay oo ay kasoo qaybgaleen Wakiilka Somaliland ee dalka Ingiriiska marwo Ayaan Cashuur saraakiil ka socday saddexda xisbi qaran , masuuliyiinta Jaaliyadda Somaliland ee UK, iyo siyaasiyiin madaxbannaan iyo shaqsiyaad kale oo ka mid ah Qurba-jooga Somaliland ee cariga Ingiriiska, ayaa lagu qabtay magaalada London ee Caasimadda Dalka Ingiriiska.

Muj. Axmed Mire Maxamed Nuux iyo Kayse Axmed Digaale iyo masuul kale. 30 Sep 2019, London
Muj. Axmed Mire Maxamed Nuux iyo Kayse Axmed Digaale iyo masuul kale. 30 Sep 2019, London

Munaasibadaa oo ujeedadeedu ahayd soo dhiwayn loo sameeyay Weriye Kayse Axmed Digaale oo ka mid ah suxufiyiinta ruug-caddaaga ah ee Somaliland oo safar ku jooga UK.

Weriye Kayse Axmed Digaale oo xalad lagu soo dhoweeyay  30 Sep 2019, London
Weriye Kayse Axmed Digaale oo xalad lagu soo dhoweeyay 30 Sep 2019, London

Xafladdan oo ay si gaar ah u soo qabanqaabiyeen haween ka mid ah qurbo-joogta Somaliland ee Ingiriiska, waxa lagaga hadlay shaqsiyadda suxufi Kayse Axmed Digaale iyo doorka uu ka soo qaatay aasaaska iyo dhismaha saxaafadda madaxbannaan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo muddo labaatan sannadood ka badan uu kusoo jiray , waxaana munaasibada xafladaa Marwo Saynab Qurjuf shahaado sharaf ku guddoonsiisay Kayse Axmed Digaale.

Mr. Khadar Xasan Cali Gaas oo ka mid ah suxufiyiinta Somaliland ee qurbo-jooga ah, horena u soo qabtay xilka Maareeyaha Telefiishanka Qaranka ee SLNTV xiligii Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay in badan wargeyska Jamhuuriya ka soo wada shaqeeyeen Kayse Digaale, muddadaasna uu wax badan ka bartay.

Weriye Kayse Axmed Digaale oo xalad lagu soo dhoweeyay  30 Sep 2019, London
Weriye Kayse Axmed Digaale oo xalad lagu soo dhoweeyay 30 Sep 2019, London

“Xafladdan aynu u qabanay walaalkeen suxufi Kayse Axmed Digaale waan uga mahadnaqayaa ciddii soo qabanqaabisay. Aniga iyo Kayse Axmed Digaale muddo aad u dheer ayaannu is-naqaanay, waxaanan ka wada tirsanaan jirnay Wargeyska Jamhuuriya, markaa waxa leeyahay Kayse Digaale waxa uu maanta ka mid yahay ruug-caddaaga suxufiyiinta Somaliland ee loo noqdo (marjica ah), wax badana waannu ka barannay, markaa aad ayaan ugu faraxsannahay munaasibadan in walaalkay Kayse Digaale aynu u samayno haddii aynu nahay dadkeena reer UK,” ayuu yidhi Mr. Khadar Xasan Cali Gaas.

Waxaannu intaas ku daray; “Kaysoow, reer UK waa la xantaa uun oo waxa la yidhaahdaa; ‘iyaga ayaa dabka ku soo shida waddanka’ laakiin horta runtii waa dadkaas aad arkayso ee sida kalgacalka leh ee niyad-samida ah u soo dhaweeya dadkeena ka yimaada Somaliland.”

Weriye Nimcaan Dheeg Ibraahim oo ka mid ah suxufiyiinta reer Somaliland ee hadda jooga Ingiriiska oo isna halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in Kayse Axmed Digaale uu ka mid yahay dadka hal-doorka ah ee ku jira bahda saxaafadda Somaliland, waxaannu yidhi; “Horta maan jeclayn in aan hadlo, laakiin halkeeda ayaan la sugayey oo in aan eray u yidhaahdo Kayse Digaale ayaan halkan u soo istaagay. Sannadkii 2006-kii aniga oo ka  yimid magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaannu Kayse Digaale is-barannay oo aniga iyo nin kale oo aannu saaxiib nahay ayuu si aad ah noogu soo dhaweeyey Gobolka Togdheer caasimaddiisa Burco, iyadoo markii uu habeenkii na casuumay ee uu na cashaysiiyey ee uu hudheelkii na dejiyey ayey anigana igaga dhigtay in aan ninkii aannu saaxiibka ahayn ee Cabdiraxmaan aan ku idhaahdo; ‘abti, ninkan sidan inoo soo dhaweeyey maxaynu isku nahay? Kadibna waxa uu igu yidhi; ‘Ilmo-abti ayaad tihiin.’ Markaa maanta ilaa maalintii Ilmo-abti ayaannu nahay Kayse Digaale.”

Dad badan oo hadallo ka jeediyey xafladdan, ayaa sheegay in Kayse Axmed Digaale yahay suxufi u qalma munaasibadda loo sameeyey iyo shahaado-sharafta la guddoonsiiyey, taasoo ujeedadeedu tahay in lagu dhiirigeliyo qofkasta oo wanaagsan, wax fiicanan u qabtay bulshada reer Somaliland.

“Kayse Digaale waa saxafi caan ah oo ah shamac aad iyo aad uga dhex muuqda saxaafadda Somaliland. Qiimaha uu mushtamaca ku dhex leeyahayna waxa aad ka garataa sida ay dadku u soo ajiibeen xafladdan. Weriyeyaal badan ayaa inoo yimid, siyaasiyiin badan ayaa inoo timid, laakiin in xafladan oo kale oo intan leeg oo sidan quruxda badan loo abaabulay, waxay ka turjumaysaa isaga (Kayse Digaale) shaqsiyaddiisa gaar ahaaneed iyo mihnaddii uu hayey oo uu si fiican oo hufan uu waajibkiisii u gutay. Kayse waa saaxiibkay, waxaanan ku leeyahay saaxiib ku soo dhawoow London oo meelo badan ayaa lagaa sugaya, xafladdana noqon mayso tii koowaad ma noqonayso, tii labaadna ma noqonayso ee dadku kuyuu (saf) ayuu kuugu soo jiraa.” Sidaa waxa yidhi Mr. Siciid UCID oo ka mid ah saraakiisha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

Xubno kala duwan oo isugu jira rag iyo haween reer UK ah oo iyaguna goobta ka hadlay, ayaa sheegay in xafladda loo sameeyey Suxufi Kayse Axmed Digaale ay kulmisay dad badan oo magac ku dhex leh qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland oo ay siyaasaddu hore u kala qaybisay, kuwaasoo sababta midaysay ee ay isugu yimaadeen ku macneeyey inay tahay xushmada, qaddarinta iyo ixtiraamka ay u hayaan suxufigan.

“Waxa aan ku faraxsannahay in Kayse Digaale uu xafladdan caawa nagu mideeyey oo ay isugu yimaadeen dad badan ay siyaasaddu kala qaybisay, iyadoo aad moodo in aanay jirin cid Somaliland ka maqan, haddii ay tahay xisbiyada qaranka iyo haddii ay tahay bulsho weyntaba, waanad ku mahadsan tahay.” Sidaana waxa yidhi Mr. Cabdisamad Cali Madoobe oo ka socday xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Masuul isaguna ka socday xisbiga talada haya ee KULMIYE oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in Kayse Axmed Digaale yahay suxufi isku darsaday waayo-aragnimo iyo anshax-wanaagsan, taasoo sababtay in xafladdan lagu soo dhaweeyey ay isugu yimaadaan saddexda xisbi qaran iyo bulshada kala duwan ee Somaliland ee ku nool dalka UK.

Safiirka Somaliland u joogta dalka Ingiriiska marwo Ayaan Cashuur oo hadal ka jeediyey xafladda, ayaa tilmaantay in

“Runtii waa madal aad iyo aad u qurux badan oo billan, u qurux badan, waana lagu yaqaanay farshaxanka caynkaas ah dumarka, markaa Ubax Badhasaab iyo kooxdii kala shaqaysayba aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinayaa, in iyadoo na wada metelaysa ay soo diyaarisay soo dhawayntan iyo gogoshan ay aynu ku soo dhawaynayno walaalkeen Kayse Axmed Digaale. Dad badan ayaa xaflado loo sameeyaa, laakiin in sidaas (ballaadhan) loogu yimaado Kayse Digaale waxay runtii ka turjumaysaa shacbiyaddiisa, sharafta iyo qiimaha uu ku dhex leeyahay ummaddiisa, markaa runtiina iyadoo mar walba reer Somaliland iyo reer London iyo guud ahaanba reer UK ay yihiin dad ku wacan soo dhawaynta, haddana waxa halkan ka muuqata farxad gooni ah, sharaf gooni ah, qurux gooni ah, waxaanan Kayse Digaale leeyahay ku soo dhawoow London iyo UK oo ay dadkaagii joogaan,” ayey tidhi marwo Ayaan Maxamuud Cashuur oo ah Safiirka Somaliland ee dalka Ingiriiska.

Ugu dambayntii waxa xafladdaas hadal ka jeediyey Suxufi Kayse Axmed Digaale oo si weyn ugu mahad-celiyey dhammaanba dadka reer Somaliland ee soo dhawaynta iyo maamuuska ugu sameeyey magaalada London ee dalka Ingiriiska.

“Dhammaanba marti-sharafta kala duwan ee reer UK ee ka kala timid Gobollada UK iyo gudaha London aad ayaan u salaamayaa, sida masuuliyiinta kala duwan ee ay ugu horayso Safiirad Ayaan Cashuur, masuuliyiinta xisbiyada qaranka ee inala fadhiya, waxaanan u mahadnaqayaa dhammaanba dadkii soo qabanqaabiyey xafladdan ee ay ugu horeeyaan hablaha kala duwan ee hawsha weyn ee intaas le’eg galay, waxaanan dhammaanba dadweynaha uga mahadnaqayaa sida wanaagsan ee kalgacalka leh ee ay ii soo dhaweeyeen, iyagoo isku duuban, waxayna noqonaysaa mid aanan ilaawi karayn, waxaanan leeyahay kolayba waynu wada joognaa oo muddona waan joogi doonaa UK haddii Ilaahay yidhaahdo, mar labaadna waxa aan aad iyo aad idiinku mahadnaqayaa sida aad waqtigiinii iigu soo hurteen ee aad ii soo dhawaysee,” ayuu yidhi Suxufi Kayse Axmed Digaale.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah dhallinyarada iyo wax-garadka  ka soo jeeda Gobolka Togdheer ee ku nool dalka Ingiriiska, ayaa iyaguna xaflad kale oo soo dhawayn ah u sameeyey suxufiga Kayse Axmed Digaale, taasoo lagu qabtay bariga magaalada London.