xawaaladaha kenya ee soomaalida
Nairobi(ANN)Dawladda Kenya ayaa joojisay dhamaan xisaabaadka 86 shakhsi iyo akoonada xisaabadka ee 13 xawaaladood oo dhamaantood ay leeyihiin ganacsato iyo shirkado Soomaaliyeed, kuwaas oo ka shaqaynayay gudaha dalka Kenya, isla markaana xafiisyo ku lahaa caasimada Nairobi.
Dawladda Kenya, ayaa tallaabada ay ku joojisay xawaaladaha iyo akoonada xisaabaadka ganacsato Soomaaliyeed ku sifaysay baadhitaano la xidhiidha dhinaca amaanka, iyadoo ku dooday in looga shakisan yahay inay taageero dhaqaale ku bixinayeen dhaqdhaqaaqyada Al-shabaab ay ka waddo Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery, ayaa shaaca ka qaaday xayiraadda la saaray shakhsiyaadka iyo xawaaladaha, balse waxa uu ka gaabsaday inuu shaaciyo, isla markaana daboolka ka qaado warar ay hore xukuumadda Kenya ugu doodaysay oo ay ku sheegeen in ay dhowaan shaacin dooonaan magacyada shaqsiyaad oo ay sheegeen inay Al-shabaab gacan ka siiyaan weerarada ku waajahan gudaha dalka Kenya.

Hase yeeshee waxa jira warar hordhac ah oo laga helay Hay’addaha amaanka oo sheegaya in liiska lagu daray xawaalado ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed iyo weliba Culimo ku sugan gudaha Somalia oo ku jira Liiska aanay weli shaacin xukuumadda Kenya.
Dhinaca kale ganacsatada Soomaalida iyo Xawaaladaha la xayiray, ayaa tallaabada dawladda Kenya ku tilmaamay mid lagu bartilmaameedsaday ganacsigooda, isla markaana abuuri karta khasaare iyo dhibaato soo gaadha bulshada Somaalida ee dhaqaalohooda iyo noloshoodu ku xidhnayd xawaaladaha.

Sidoo kale waxay tallaabadu saamayn ku yeelatay durba dadka ganacsatada ah iyo bulshada kale ee Soomaalida ku dhaqan Kenya, kuwaas oo dawlada Kenya ku canbaareeyay tallaabada ay qaaday.
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaarihiisa Cumar Cabdirashiid, ayaa tallaabada dawlada Kenya ku tilmaamay mid dhibaato aan loo baahnayn horseeday, waxayna qoraal ay arrintaa kaga hadleen ku sharaxeen muhiimada xawaaladuhu u leeyihin nolosha bulshada Soomaalida iyo dib u dhiska dalka, balse waxay sheegeen in tallaabada Kenya meesha ka saaray rajadii laga qabay dhismaha Somalia iyo in laga sameeyo xasilooni.
Dawlada Kenya, ayaa sanadki hore 2014, waxay ka joojisay inay dalkeeda ka shaqeeyaan Urur samafal iyo Hay’addo Caalami ah oo boqolaal ah, kuwaas oo ay ku eedaysay inay siyaabo kala duwan ugu adeegaan Al-shabaab, isla markaana qaarkood dalka soo geliyaan dad aan sharci haysan iyo kuwo qaabk ay kusoo galaan ka leexda, isla markaana khatar ku ah amaankeeda.
Sidoo kale waxay dhowaan sharci cusub kusoo rogtay goobaha Madarasadaha lagu barto Quraanka Kariimka ah, iyadoo albaabada u xidhay Madarasado ku yaalay dalka, waxaynaa dhamaan tallaabooyinkaa ku macnaysay kuwo lagaga hortegayo amaanka sii xumaanaya ee dalka iyo si loo yareeyo weerarada Al-shabaab ka fuliso gudaha dalka Kenya, iyadoo weerarkii ugu danbeeyay ee Al-shabaab ka fuliso Kenya oo ka dhacay Garissa University lagu khaarajiyay dad ka baddan 140 qof, isla markaana tiro kale dhaawacyo kasoo gaadheen.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews