Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)-Xildhibaan Cabduqaadir Ismaaciil Jirde oo ah Jirde oo kamid ah Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland, isla markaana ka tirsan hoggaanka sare ee xisbiga WADDANI, ayaa ka hadlay xaalada dalka Somaliland marayo maanta iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in la helo isbedel dhab ah.
Xildhibaan Cabduqaadir Jirde oo ka hadlayay munaasibad loo qabtay xafiis cusub oo Xisbiga WADDANI ka furtay Degmada 26 Juun ee magaalada Hargeysa, wuxuu ku dooday in Madaxweynihii Ummadu dooratay oo sida uu sheegay uu codkiisa siiyay isagoo xisbiga UDUB ah aanay tallada dalku gacanta ugu jirin, isla markaana dalka Afar Nin oo aanay Ummadu dooran ka taliyaan, sidaa awgeed ay xaalada dalku maanta marayso meeshii ugu xumayd.

Halkan ka Daawo.