xildhibanqabile
“Ma dhacayso in hantida qaranka lagu iibiyo shir-doceedyada iyo weji-ku-macaashayada lagu maydhaamay shuruucdii qaranka, taasoo ah laf-jab aan la qaadan karin”

Hargeysa (ANN) Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si adag u naqdiyey qorshayaasha xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku doonayso in maalgelin caalami ah loogu raadiyo Dekedda Berbera iyo kaabvayaasha kale ee dhaqaalaha dalka.
Qoraal Xildhibaan Qabille oo soo saaray shalay, waxa uu kaga hadlay qodobbo kala duwan oo ay ka mid yihiin heshiiska maalgelinta dekedda Berbera, ganacsatada lagu wareejiyey Haamaha Shidaalka iyo dhulka danta guud, isagoo farriin baaq ah u diray dadweynaha reer Somaliland.
“Muran kuma jiro in dakhliga dawladnimada Somaliland ku taagnayd muddada 25-ka sanno ah uu 80% ka soo baxaysay kaabbayasha kala ah; Dekedda Berbera, Haamaha Kaydka Shidaalka, Kastamka, Madaarka caalamiga ah oo dhammaantood ku yaal magaalo-xeebeedda Berbera, kuwaasoo dhammaantood xukuumadda Somaliland u goodiyeyso gacan ajnebi.
Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaaminayo mudane Axmed Maxamed Siilaanyo xaraashka hantida qaranka ee ku socda xawliga aan la malayn karayn waxay fasax ka haysataa sida ay aniga ila tahay meel ka baxsan shuruucda dalka u yaal ee uu ugu mudanyahay Distoorka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo shuruucda kale ee dalka, sida ku cad qodobka 53aad ee Distoorka Qaranka oo dhigaya heshiis kastoo caalami ah amma goboleed oo aan Golaha Wakiilladu eegin mud-darro iyo munafacaad wuxuu dalka u leeyahay aan la soo marin ka baarandagiisa waa xaaraan inla dhaqangaliyo.”
“Waxa xukuumaddani xalaashatay inay xaraashato, dabo-geliskana u bixiso halbaawlayaashii dhaqaalaha ee qarankan ku taagnaa, waxay dhammaan sifo aan sharci ahayn ku meel-marsatay Wareejintii Hamaha Berbera, xaruntii Kalluunka, Laydhkii Berbera iyo maanta oo aay wareejinayso dekeddii, kastamka oo ku hoos jira, madaarkii weynaa ee Berbera, iyadoo ku talo jirta sidaan ka warqabno xaraashka dhammaan dhismayaashii danta guud ee ku yaallay Berbera, halka ay horena u xaraashtay dhammaan dhismayaashii qaranka ee Hargeysa, buuraha Simoodi iyo qaar kaloo ku kala yaal Gobolka Saaxil iyo Awdal, kuwaasoo culaysyo badan oo siyaasadeed ku qabsadeen gobolladaas, laguna cidhiidhi gelinayo gobolladaas iyo Berbera-ba.
Xukuumadda oo isticmaalaysa shaambaddii qaranka iyo ufo qabyaaladaysan oo dhalisay jaha-wareer, ammaan-darro iyo kalsoonidii shacbiga oo meeshii ka baxda, ku-tagrifal gaadhay heerkii ugu sareeyay, taabtayna dhammaan bulshada ku dhaqan dalka Somaliland.
Waxa aanay bulshada reer Somaliland ka war la’ayn culayska iyo cadaadiska haystay reer Saaxil ee dir-sooca ahaa, maanta waxa ibo-keenay in qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ka jabto meel aan la kabi karayn, isla markaana saamaynteedu noqoto mid farta dhexda laga qaniino.
Haddaba, anigoo ah xildhibaan ka soo jeeda Gobolka Saaxil, kana tirsan Golaha Wakiillada, isla markaana xubin ka ah Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka, mar haddii ay dhacday in la baalmaray dariiqii sharciga, sidii la doonana loogu laafyoodo, sida Haamaha Kaydka Shidaalka ee wakiilladu aqlabiyadda ku laaleen ee haddana la iska socodsiistay, ma dhacayso in hantida qaranka lagu iibiyo shir-doceedyada iyo weji-ku-macaashayada lagu maydhaamay shuruucdii qaranka, taasoo ah laf-jab oo aan la qaadan karin.
Qaran kasta waxa hal-beeg u ah sharciga uu dhigtay, kaa soo ilaalinaya nidaamka guud ee dalka. Waxaan ummadda reer Somaliland ee iska leh karaamada qarannimada oo aannu wakiil uga ahayn u ban-dhigaynaa in aanay sii dhawrin oo aanay sii eegan wax aannu sharcigu jidayn, iyadoo aan si gaar ah ugu wargelinayo bulshada Gobolka Saaxil inay iskugu yimaadaan shir degdega oo ay ku lafa-guraan waayaha dushooda ku haad-furay ee la doonayo in qayb-qaybintooda lagu dhagareeyo khiyaamo qaran oo dalkan lagu curyaaminayo.
Waxaan ku soo gebagebaynayaa war-murtiyeedkaygan; wayso uma dhawrna badheedhaha iyo hab-dhaqanka Madaxweyne Axmed Siilaanyo, reer Saaxil-na marag ka noqon maayaan meesha lagu dhaawacayo tacabkii ummaddan, madiidinna qaadan maayaan qaabka loola dhaqmayo, waa arrin mudan ka gilgilasho iyo dareen celin iyadoo iyadoo loo raacayo distoorka iyo shuruucda qaranka. Sidaa daraadeed, talo arrinkaa lagu lafo-guraa waa lagama maarmaan,” ayuu yidhi Maxamed Faarax Qabille.