Araweelo News Network
Børge BrendeMogadishu(ANN)Xildhibaan ka mid ah kuwa Dawlada Federaalka Somalia, ayaa kashifay Heshiiskii Xukuumadda Xasan Sheekh la gashay Dawlada Norway, kaas oo ogolaanaya in kumanaan Soomaali oo haysta dhalashada Dalka Norway lagu celinayo Somalia.

Xildhibaanka, ayaa sheegay in Taliyaha Laanta Socdaalka Somalia Gaafaw Qariyey jiritaanka Heshiiskaa oo wax laga weydiiyay, balse waxa uu xusay in heshiiskaa oo saamaynaya Bulshada Somalida Yurub Gaar ahaan kuwa ku dhaqan dalka Norway uu dhigayo in lagu celiyo Somaliya , balse waxa uu sheegay in uu la xidhiidhay Wasiirka Arimaha Dibeda Norway Børge Brende, kaas oo sida uu xusay u sheegay, isla markaana u Cadeeyey In Heshiisku Dhacay Laguna Bilaabayo 500 Qof oo Soomaalida Norway.