Gudoomye Cirro1Xogta Iscasilaada Cirro + Xusul-duubka Mudaneyaasha + Xildhibaanada ismuujiyey iyo Xaqiiqo-raadinta Saxaafadda
Guddoomiye Cirro oo ay hortaallo laba daran mid dooro…Warbixin: Saleeban Kalshaale

Hargeysa(ANN)Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxa ka dhex bilaabmay Loollan ku aaddan Shir-guddoonka Golahaas, kaddib markii ay soo baxeen xoggo isa soo taraya oo Sheegaya inuu iscasilayo Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). Ollolaha Mudaneyaasha
Dhowr mudane ayaa ilaa hada si rasmiya u muujiyey inay u sharaxanyihiin Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad, kuwaasoo Ollole ka dhex bilaabay Golaha dhexdiisa.
Xildhibaanada ugu cad-cad ee badheedhahooda ku aaddan buuxinta Jagooyinkan Shir-guddoonka soo qadimay waxa kamida Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa (Wadka) iyo Xildhibaan Maxamed Jaamac Axmed.
Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa ayaa sida la sheegay u Musharax an Jagada Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada, halka Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi uu isna todobaadkii hore ku dhawaaqay inuu u sharaxanyahay Guddoomiyaha Golaha.
labadan Xildhibaan iyo kuwo kale oo quud-daraynaya Jagada Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ayaa durba dhaqdhaqaaqooda laga dareemay Fadhigii Maanta Golaha oo uu ku furmay Kalfadhiga 28-aad, kaasoo uu shir-guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Baashe Maxamed Faarax, isla markaana aanu ka soo qayb-gelin Guddoomiyaha Golahaasi.
Xildhibaannadan oo laga soo doortay Gobollada Maroodi-jeex iyo Sool, ayaa sida laga dareemayo Olollahooda mid waliba dhankiisa guntiga u xidhay, isla markaana uu xusul-duub ugu jiraa sidii uu ugu guulaysan lahaa Kursiga uu “calaamadsaday”, wallow aanay caddeyn muwaaqiifta Shir-guddoonka hada jooga, si rasmi ahna aan loo ogayn Iscasilaada laga wariyey Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee hada Golaha hogaaminaya.
Odoroska Siyaasaddeed
Dadka odorosa arrimaha Siyaasada, ayaa si weyn isha ugu haya dhaqdhaqaaqyada Guddoomiye Cirro iyo guuxa ka dhex bilaabmay Golaha uu tobankii sannadood ee u dambeeyey hogaaminayay.
Mowqifyada Cirro
Inkasta oo Guddoomiye hore u balanqaaday inuu Jagadda Shir-guddoonka Wakiillada iska casilayo marka la cayimmo, wakhtiga Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu qabsoomayaan, taasna uu wali ka taaganyahay Khilaaf muddadii ay Golaha Guurtidu cayimeen oo aan heshiis laga gaadhin, hadana waxa isa soo taraya xoggo la xidhiidha asbaabo Guddoomiye Cirro ku qasbaya inuu Istaqaalad waydiisto Golihiisa.
Cadaadis Siyaasaddeed
Asbaabbahaasi, waxa ugu muhiimsan cadaadis ka haysta dhanka Xisbigiisa iyo Taageerayaashiisa khaaska ah, oo sida la sheegay marar badan u soo jeediyey ama ka codsaday inuu iska casilo Golaha Wakiillada, isla markaana u soo gacan baxo Saaxada Mucaaridnimada iyo hogaaminta Xisbiga Waddani.
Ilo-wareedyo u dhuun-dalloola Siyaasada Xisbiga Waddani, kuna dhadhow Guddoomiye Cirro, ayaa sidoo kale tibaaxay inay daneeyayaasha Doorashooyinka iyo Diblomaasiyiinta qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland, siiba kuwa ka soo horjeeda muddo-kordhinta loo sameeyey Xukuumaddu ka dalbadeen inuu iska casilo Shir-guddoonka Baarlamanka, hadii ay ka dhabtahay gor-gortanka Xisbigiisu kaga soo horjeedo dib u dhaca Doorashooyinka.
Si kastaba ha ahaatee, Shacbiga Somaliland ayaa maalmahan si weyn ugu dhegtaagaya go’aanka uu Guddoomiye Cirro ka qaato arrimaha horyaalla iyo loollanka loogu jiro Kursigiisa iyo kuwa ay ku-xigeennadiisu ku fadhiyaan.
Wariyeyaasha ka howl-gala Magaalada Hargeysa ayaa iyaguna Laydh-tiriik ku raadinayey dhowrkii casho ee u dambeeyey Guddoomiyaha, kuwaasoo jawaab uga doonaya Ifafaaleyaasha Siyaasaddeed iyo xoggaha kaabaya ee ku saabsan inuu iscasilayo iyo goorta uu ku dhawaaqayo.
Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Email: Gobanimonews2013@gmail.com