Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Xisbiga Kulmiye oo ah xisbul xaakimka haya talada dalka Somaliland, ayaa sheeciyay in uu qabanayo shirweynihiisa Afraad ee uu yeesho tan markii la aasaasay bishii May ee sannadkii 2002. Xilligaa oo ahayd markii ay Jamhuuriyadda Somaliland ka guurtay nidaam beeleedkii doorashooyinka ee ku meel-gaadhka ahaa ee u guurtay nidaamka doorashooyinka hal cod iyo hal qof (One Vote One Person), isla markaana la hirgeliyay nidaanka xisbiyada Somaliland.

Guddida qaban qaabada shir weynaha Xisbiga Kulmiye ee Somaliland 3 August 2020

Guddida qaban qaabada shir weynaha Xisbiga Kulmiye ee Somaliland, ayaa shaaciyey xilliga uu qabsoomaayo Shirweynihii Afraad ee xisbigaasi, kaddib kulan ay xubnaha guddida qabanqaabada shirweynaha ee Xisbiga Kulmiye maanta ku yeesheen xarunta guud ee xisbigaas ee magaalada Hargeysa.


Afhayeenka guddida qabanqaabada Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif)

Guddida qaban qaabada, oo warbaahinta la hadlay ayaa marka hore ka waramay marxaladii kala duwanaa ee uu soo maray xisbiga Kulmiye, waxayna sheegeen in uu xisbigu sideed iyo tobban jirsaday, isla markaana Afar sanno iyo badh marka la joogaba la qabto shirweynaha xisbiga sida uu dhigayo xeer hoosaadka xisbiga Kulmiye. Sidaa awgeed ay shaacinayaan qabashada shirweynaha Xsibiga.

Afhayeenka guddida qabanqaabada Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) shirweynaha, ayaa sheegay in shirwaynihii afraad ee Xisbiga Kulmiye la qaban doono bisha tobnaad ee sannadkan, oo la qorsheeyey in shirkaasi uu qabsoomo 4 Oct 2020.

Shirka ayaa ka qabsoomi doona Caasimadda Somaliland ee Hargeysa isaga oo sheegay sida uu sheegay Cabdikariin Xinif, wuxuuna ku war geliyay in ay shirka ay kasoo qaybgalaan isuna diyaariyaan Xubnaha Xisbiga kuwa golaha dhexe , guddida joogtada ah iyo Ergada ka soo qayb gelaysa, isagoo intaa ku daray in sida ku talo galka Xisbigu yahay in uu shirku socdo muddo sadex maalmood ah.