Araweelo News Network

Hargeysa(ANN) – Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa soo bandhigay qorshaha iyo dariiqa ay u marayaan Ictiraaf raadinta Somaliland haddii ay ku guulaystaan hogaaninta talada dalka marka la gaadho doorashooyinka Madaxtooyadda.

Dr Maxamed Cismaan Fadal, xoghaya arimaha dibada ee xisbiga Waddani oo qorshayaashaasi Ictiraaf raadinta faahfaahinayaana waxa uu ku bilaabay hadalkiisa oo uu yidhi “Somaliland way ka weyntahay 26 sanadood, waa dal sida dalalka aduunka u samaysmay xornimadiisana qaatay, taariikh aynu wada garanaynana leh.

Somaliland ilaa maanta waynu ognahayoo iyadoo qaran ah oo shaqaysa oo dadkeeda iyo dunidaba anfacda, hadana dalalka aduunka si loola macaamilo ictiraaf kamay helin.

Xukuumada Waddani ee iman doontaa dariiqeebay u maraysaa inay ictiraafkaa iyo aqoonsigaa caalamka ee ilaa maanta ay ku guulaysan waayeen dawladihii hore ee soo maray dalkan dariiqeebay u maraysaa.

Somaliland waa dal xor ah oo taariikhdeeda 26-kii June 1960-kii xor noqday, 18-kii May-na la soo noqday xornimadiisa iyo madaxbanaanidiisa, ictiraafkuna waa wax la heli karo loona hawlgali karo.

Ictiraafka Somaliland waxa uu Waddani u marayaa laba waddo oo uu u jeexanayaa, wadada koowaad oo ah inuu dalka gudihiisa hagaajiyo, inuu midnimadiisa hagaajiyo, inuu qawaaniintiisa hagaajiyo, inuu ummadda noloshooda hagaajiyo oo dal aduunka u dhigma oo laga karaameeya noqon kara iyo ta labaad oo ah jid caalamka ictiraafku ku xidhan yahay iyo sida loola macaamilayo.

Guddaha waxa inoo yaala marka Waddani xukunka yimaado, wuxuu qabanayaa shir balaadhan oo umadda Somaliland uu isugu keeno oo dibad iyo gudaba maskaxdooda, cilmigooda iyo caqligoodaba ay ku shiilaan oo ku qotoma wadatashiga siyaasada oo ah xisbiga waddani oo lagaga tashanayo ilaa iyo 26-kii sanadood ee aynu isku soo dayeynay inaynu ictiraaf helno maxaa inaga khaldamay, maxaa inagu adkaaday, halkaynu uga gudbaynaa dariiqa dhaw iyo dariiqa dheer ee aynu u jeexanaynaa waa maxay? Waxaynu ognahay ilaa maanta siyaasad tifaftiran oo dad iyo dawladba la isku ogyahay oo dawladdu soo bandhigtay gaar ahaan dawladdan Kulmiye soo bandhigay haba yaraatee ma jirto, qodobka lagu bilaabo ayuu noqonayaa.

Waxa aynu ku xigsiinaynaa, ururinta, aqoonta iyo tacabka loo galay inay soo ururino oo Mac-had arintaa ka shaqeeya oo siyaasadaa ku xidhan isagana u samayno oo dibad iyo gudaba caqligeena dad iyo dawladba aynu isugu gayno oo cilmi baadhis inoo sameeya oo aduunkana la xidhiidha.

Waxa aynu gudaha ku xigsiinaynaa inaynu ka tashano oo Xukuumada Waddani ay go’aan ka soo saarto wadahadalka aynu Somalia la leenahay ee madhalayska ahi macno ma leeyahay in la sii wado, labada dal iyo labada dal wax anfacaya ma laga soo saari karaa, taana mudo lix bilood ah ayay xukuumada Waddani go’aan kaga gaadhaysaa hadii wadahadalkaasi wax faa’iido ah inoo yeelanayo iyo hadii ay wakhti lumis tahayba.

Waxaynu ku xigsiinaynaa in qarankeenu noqdo qaran qaynuunka lagu xukumo oo dawladaha adduunka iyo qaramada aduunka la mid ah oo qaynuunka aan cidi ka saraynin oo qaynuunku dadka u wada siman yahay oo dawladd madax iyo mijo qaynuunku wadaqabto oo lagu dhaqmo oo la wada xoojiyo hay’adaha sharciga inoo ilaaliya iyo kuwa inoo sameeyaba lana xoojiyo lana karaameeyo.

Waxaynu ku xigsiinaynaa inaynu dunida u muujino inaguna xaqiijino dadka reer Somaliland daafaha dalka gobaladiisa iyo shucuubtiisa iyo qabaa’ilkiisa iyo cid waliba inay u siman tahay Khayraadkiisa, Kuraasta, iyo waxa dhulka ku jira iyo waxa laga soo saaro in aanay meel iyo laba toosan ku koobnaanine qaranku u siman yahay, dadkuna siday u kala liitaan ee ay u kala dambeeyaan waliba loogu kala roonaado oo gobolada bari loo roonaado.

Waxaynu ku xigsiinaynaa inaynu muujino inaguna isku muujino aduunkana u xaqiijino in Musuqmaasuqu xaaraan ka yahay xukuumada Waddani iyo dawladd Somaliland ahba.

Musuqmaasuqu wuu dilaa koriinka, wuu dilaa karaamada, wuu dilaa dadka niyadiisa (zero tolerance) waxa la yidhaahdo ayay xukuumada Waddani u yeelanaysaa waxa la yidhaahdo Musuqmaasaqa, wax alaale iyo wixii lagu xakamaynayo, waxa aad ka arki doontaan barnaamijka xisbiga.

Waxaynu Xaqiijin doonaa Xoriyadda Saxaafada iyo Xoriyatul Qawlka iyadoo sharciga lagu dhaqmayo oon saxaafadna la iska xidhxidhi karin iyadoo qarankooda u shaqaynaya oo shaqadooda haysata. Xisbiyada Qarankana aan la xidhi karin iyagoo xaqooda distooriga ah samaysanaya sida maanta dhacday ee ay jeelalka ku jiraan, xukuumada Waddani caadadaasi maaha caado laga filayo way baabiinaysaa, cidii ku kacda ee dawladda ah ee ku tacadida dadkana sharciga dadka ayay ula siman tahay.

Waxa kale oo qaybtaa gudaheeda aan ku soo gabogabaynayaa, Doorasho dib u dhici doonta, iyo doorasho Guurti iska korkordhin doontaa midna ma jiri doonto, doorashada inagaa qabsanayna, lacagteeda inagaa bixinayna, wakhtigeeda ayaa lagu qabanayaa, maaha sharci xukuumad iyo madaxweyne Waddani wakhti qayrul sharci ah ma fadhiyi doonaan kursi ee dadka way u qanayaan doorashadooda. Aqalka gudihiisa markaad hagaajiso ee aynu hagaajisano qofka caalamka ee aad wax ka doonayso marka aad hortagto wuu ku sharfayaa wuuna ku karaamaynayaa, imika iyada oo madaxa la foorarinayo ayaa dadka loo tagaa, Xukuumada Waddani waxa ay idiin balan qaadaysaa in inaga oo madaxeenu sare u taagan yahay aynu aduunka la macaamilo.

Maxaynu aduunka iyo dadka dibada kula macaamilaynaa? Waxaynu ka bilaabaynaa dawladaha dadkooda ayaa xukuma, dadka codka bixiya ayaa xukuma, dadka aqoonta leh (academic) ayaa xukuma, fikarada iyo caqliga kuwaasaa sameeya, waxa sameeya civil society-ga, oo waxa aynu soo ururinaynaa dadkii ina taageersanaa ee camuuda ka badnaa ee dunida daafihiisa joogay ee inagu inagoon waxba sheeganin inoo shaqayn jiray, mar labaad ayaynu soo rurinaynaa oo waxa aynu doonaynaa inaynu meel iskugu keeno oo aynu nidhaahno waanakan, kamaanaan bixin hawada nala qabta wixii aad nala qaban jirteen, kuwaa markaynu ururino dawladahooda iyagaynu u diraynaa, iyagana waxa aynu raacinaynaa dadkeena qurbajooga ah oo aynu hawshaa u diraynaa.

Waxa kale oo aynu intaa ku daraynaa Afrika iyo Aduunka kale hay’addo waaweyn oo caalamiya ama AU-da ha ahaato ama Arab League ha ahaato ama jimciyadaha qaaradaha ha ahaatee ayaa sameeya siyaasada ururisan ee dalalka, Ururka Midawga Afrika ee (AU-da) dawladii Cigaal iyo Dawladii Rayaale-ba tacab badan ayay galiyeen gaar ahaan dawladii Rayaale, guulaa laga gaadhay oo ilaa waxa ay ina gaadhsiiyeen inay guddi inoo soo diraan oo ay baadhaan Somaliland oo ay go’aan ka gaadhaan oo ay yidhaahdaan Somaliland oo la ictiraafaa Afrika wax dhib ah oo ay u keenaysaa oon wanaag ahayn ma jirto, kumaynaan dhaqmin oo arintaasi faraheena ayay ka siibatay oo dabagalkeedii ayaa inaga xumaaday, AU-dan cagta ayaynu cagta u saaraynaa, oo Xafiis (Bauru) gaar ah oo wasaarada Arimaha Dibada ka dhisan wax kale ka shaqayn mayso ee AU-da ayay ka shaqaynaysaa, oo xafiis weyn oo kharashka iyo dadka ay u baahan tahay ayaynu galinaynaa in dawladaha Afrika ee ay ugu horayso kuwa aynu dariska nahay ee gobolkan inaynu ku qancino oo ay arkaan inaynu dunida iyo Afrikaba aynu wax ku soo kordhinayno lagana maarmin Somaliland doorkeeda iyadoo maanta ku jirta dibna aan indhaha looga qarsan karin ayaynu gaadhsiinaynaa.

IGAD ayaa la mid ah oo inooga sii dhawba African Union-ka, iyada iyo jimciyadaha kale ee ku yaala galbeedka Afrika ECA, COMESA, ICAS, ECOWAS, kuwaas oo dhan dalalbaa ku urura wada Afrika ah, mid awalba inaynu cod ku yeelano oo dhex taagnaano ayay xukuumada iyo Dawladda Waddani ay ku talo galaysaa, waana tacab aan hore loo galin, hawl uunbaa lagu gaadhayaa, Ictiraafka waa in loo shaqaystaa meel iskama yaalo, barkimo dheerna lagu heli maayo .”

Xafiiska Wararka Ee Xisbiga Waddani