Araweelo News Network


London(ANN)-Booliska Dalka Britain, ayaa shaaciyay magaca qofkii fuliyay weerarkii khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay goobta bandhig faneedku ka socday ee magaalada Manchester.

Weerarka oo Ugu yaraan dhawr iyo labaatan qof, ayaa ku dhintay , isla markaana dhaawacyo kasoo gaadheen 59 kale, iyadoo goobta qaraxu ka dhacay ay si toos ah heeso uga qaadaysay gabadha caanka ku ah heesaha ee reer Maraykan Ariana Grande.
Booliska, ayaa sheegay in weerarkaa ka dhacay Magaalada Manchester ee dalka Britain ay ogaadeen inuu ahaa qofkii fuliyay Salmaan Abedi oo 23 jir, isla markaana asal ahaan uu ka soo jeedo dalka Liibiya.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in Salman Abedi, ka hor intii aanu weerarkaa fulin ay isaga iyo seddax carruur oo ay walaalo yihiin marar kala duwan booqdeen xaafado ku yaalla Manchester, iyadoo boolisku baadhay mid ka mid ah goobahaa, balse faahfaahin dheeraad ah kama ay bixin Boolisku arrintaa.

Dhinaca kale Ururka Daacish, ayaa sheegtay weerarkaa oo ay ku tilmaameen mid uu fuliyay naftii hure iyaga ka tirsan.

Qaar ka mid ah 22 dadkii ku dhintay weerarkaasi ayaa la shaaciyay magacyadooda., kuwaas oo 16 ka mid ah la sheegay inay ahaayeen carruur yar yar.

Qaraxa, ayaa dhacay markii ay dhamaadeen heeso ay goobtaasi si toos ah uga qaadaysay gabadha caanka ku ah heesaha ee reer Maraykan Ariana Grande, dadka ku sugnaa goobta, ayaa sheegay inay maqleen qarax ka dhacay albaabka hore ee laga galo goobta uu bandhig faneedku ka socday.

Istaanka laga raaco Tareenada ee Manchester Victoria oo u dhaw goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la xidhay markii qaraxu dhacay, waxaana la hakiyay dhammaan safaradii tareenada ee qorsheysnaa.

Haweenayda Ra’iisal wasaaraha Britain, Theresa May, ayaa sheegtay in falkani uu yahay mid ay u aqoonsanayaan inuu yahay weerar argagixiso, iyadoo durbadiiba hakisay ololeehdii doorashada guud waxayna maanta shir guddoomin doontaa kulan degdeg ah oo ay isugu imaan doonaan wasiirradeeda, kuwaas oo ka arrinsan doona sida ay uga jawaab celin lahaayeen weerarkaa.

Haweenayda Theresa May ayaa tidhi, “Waxaan isku dayaynaa in aan helno macluumaad dhameystiran oo la xidhiidha sida ay wax uga dhaceen Manchester.

Dhinaca kale qof ka mid ah dadkii joogay goobta qaraxu ka dhacay, ayaa sheegay in xooga qaraxa dartii uu ku dhacay meel dhawr mitir u jirta, markii uu soo kacayna uu indhaha saaray dad daadsan dhulka.
Majid Khan, oo 22 jir ah, isla ma rkaana kuna sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay oo sharaxay sida ay wax u dhaceen ayaa yidhi,” qarax weyn oo ka argagixiyay qof walba ayaa ka dhacay halkaasi, qof walbana waxaa uu isku dayay inuu baxsado”

Sidoo kale Oliver Jones, 17 jir ah, kana mid ahaa dadkii bandhig faneedkaa ka qeyb galay ayaa yidhi, ”dhawaaqa qaraxa waxaa laga maqlay goobta oo dhan qof walbana wuxuu billaabay inuu baxsado”.

”Jahwareer ayaa jiray iyadoo dadka ay jihooyin kala duwan u cararayeen”, ayuu sii raaciyay Oliver.

Ciidammada Booliska iyo kooxaha gurmadka, ayaa goobta gaadhay markiiba, waxaana la xidhay waddada marta halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana socda baadhitaano dheeri ah oo la xidhiidha weerarkaa.