Araweelo News Network


London(ANN)-Ugu yaraan dhawr iyo labaatan qof, ayaa ku dhintay , waxaana inta la ogyahay dhaawacyo soo gaadheen 59 kale kadib weerar qarax naftii hure la beegsaday goob bandhig faneed ah oo ku taal magaalada Manchester ee dalka Britain.

Qaraxa, ayaa dhacay markii ay dhamaadeen heeso ay goobtaasi si toos ah uga qaadaysay gabadha caanka ku ah heesaha ee reer Maraykan Ariana Grande, dadka ku sugnaa goobta, ayaa sheegay inay maqleen qarax ka dhacay albaabka hore ee laga galo goobta uu bandhig faneedku ka socday.

Istaanka laga raaco Tareenada ee Manchester Victoria oo u dhaw goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la xidhay markii qaraxu dhacay, waxaana la hakiyay dhammaan safaradii tareenada ee qorsheysnaa.

Haweenayda Ra’iisal wasaaraha Britain, Theresa May, ayaa sheegtay in falkani uu yahay mid ay u aqoonsanayaan inuu yahay weerar argagixiso, iyadoo durbadiiba hakisay ololeehdii doorashada guud waxayna maanta shir guddoomin doontaa kulan degdeg ah oo ay isugu imaan doonaan wasiirradeeda, kuwaas oo ka arrinsan doona sida ay uga jawaab celin lahaayeen weerarkaa.

Haweenayda Theresa May ayaa tidhi, “Waxaan isku dayaynaa in aan helno macluumaad dhameystiran oo la xidhiidha sida ay wax uga dhaceen Manchester.

Dhinaca kale qof ka mid ah dadkii joogay goobta qaraxu ka dhacay, ayaa sheegay in xooga qaraxa dartii uu ku dhacay meel dhawr mitir u jirta, markii uu soo kacayna uu indhaha saaray dad daadsan dhulka.
Majid Khan, oo 22 jir ah, isla ma rkaana kuna sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay oo sharaxay sida ay wax u dhaceen ayaa yidhi,” qarax weyn oo ka argagixiyay qof walba ayaa ka dhacay halkaasi, qof walbana waxaa uu isku dayay inuu baxsado”

Sidoo kale Oliver Jones, 17 jir ah, kana mid ahaa dadkii bandhig faneedkaa ka qeyb galay ayaa yidhi, ”dhawaaqa qaraxa waxaa laga maqlay goobta oo dhan qof walbana wuxuu billaabay inuu baxsado”.

”Jahwareer ayaa jiray iyadoo dadka ay jihooyin kala duwan u cararayeen”, ayuu sii raaciyay Oliver.

Ciidammada Booliska iyo kooxaha gurmadka, ayaa goobta gaadhay markiiba, waxaana la xidhay waddada marta halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana socda baadhitaano dheeri ah oo la xidhiidha weerarkaa.