Araweelo News Network

Hargeysa(ANN) – Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in la wanaajiyo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee aynu la wadaagno dalalka aynu jaarka nahay, Jaamacada Carabta, dalalka Islaamka ah iyo guud ahaanba dalalka dunida ee aynu ka midka nahay.

Sida lagu sheegay War-murtiyeed ka soo baxay xarunta xisbiga Waddani oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee xisbigaasi Waddani, Mudane Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa intaa ku daray in Somaliland ay dalalka Sucuudiga, Imaaraadka iyo guud ahaan dalalka Carabta ay la wadaagto xidhiidho ganacsi iyo walaalnimo oo taariikhi ah, isla markaana wixii colaad ahi aanay xal u ahayn dalalka Islaamka.

Dhinaca kale War-Murtiyeedka ka soo baxay xisbiga Waddani lagu sheegay in dawlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya Iyo Somaliland ay ka dhaxayso dan, dad iyo mid duunyo oo aynu nahay isku nolol, wixii eedo iyo deel-qaaf ahna laga joojiyo dawladd deegaankaasi Ethiopia.

War-Murtiyeedka xisbiga Waddani oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sidan:-

“Xisbiga Waddani wuxuu aaminsan yahay in la wanaajiyo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee aynu la wadaagno dalalka aynu jaarka nahay, Jaamacadda Carabta, dalalka Islaamka ah iyo guud ahaanba dunida kale ee aynu ka midka nahay.

Qarnigan 21aad dalalka adduunku waxay khilaafka ka dhex bilaabma ku dhamaystaan wada-hadal diblomaasiyadeed oo nabad ah, Somalilandna waxay dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka iyo guud ahaan dalalka carabta la wadaagtaa xidhiidh ganacsi iyo walaalnimo oo taariikhi ah, wixii colaad ahina xal uma aha dalalka islaamka ah.

Isbeddelada diblomaasiyadeed ee adduunka ka soo cusboonaada waxa go’aankeeda iyo jihada loo raacayo uga masuul ah qarankan Somaliland Madaxweyne Md. Axmed Maxamed Siilaanyo isagoo umadda uga wakiil ah inuu raadiyo kolba halkii danta qarankiisu ku jirto.

Dhinaca kale dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Somaliland waxa ka dhexeeya dan, dad iyo duunyo, waxaanaynu nahay isku nolol, wixii eedo iyo deelqaaf ah waxaanu u aragnaa in la daayo, xukuumadda Somalilandna waxa waajib ku ah inay wada-hadal iyo is-afgarad ku xaliso wixii mad-madaw ah ee ka dhasha xuduudka iyo isu-socodka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.

Md. Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde

Guddoomiyaha xisbiga Waddani KMG