Hargeysa(ANN)- Xoghayihii arrimaha dibedda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Marwo Faadumo Siciid Ibraahin, ayaa sheegtay inay iska casishay Xilkii iyo Xubinnimadii Xisbiga oo ay sheegtay inay isku garanweyday.

Marwo Faadumo Siciid, waxay ku sababaysay inay xilkii iyo xubinimadii xisbiga Mucaardka ee WADDANI, ka tagto markii ay u cuntamiweyday siyaasada xisbigaa, waxayna dhalliishay siyaasadda Xisbiyada mucaardka iyo Xukuumadda Somaliland oo ay ku tilmaantay mid aan bulshada lagu meteli karin ee daynaysi iyo xaafado ku dhisan.


Marwo Faadumo Siciid oo maanta warbaahinta kula hadashay Magaalada Hargeysa, ayaa yidhi, ” waxaan arkay marxalada wadanku ku jiro in aan sidii loo baahnaa loo waajahin, xaalada Bariga Sanaag waad aragtaan Jabhado aynaan weligeen yeelan ayaynu yeelanay, Ceel-afweyn wad aragtaa dadka walaalaha ah ee labad sannadood ka badan is dilayay, Xisbiyada iyo Xukuumadduba waxay ku guul-darraysteen inay la yimaaddaan siyaasad hufan iyo inay soo afjaraan colaadda Ceel-afweyn ka taagan muddada shanta sanno ku dhow.”


Waxay sheegtay in maanta marka la eego halka dalku marayo ay ahayd in gacmacaha lays qabsado muuxaafid iyo mucaard, sidaa awgeed ay siyaasada Xisbiga WADDANI iyo geedi socodkeeda isku garanweyday, isla markaana markay go’aansatay in mushkiladaha habeen iyo maalin taagan aanay waxba ka qaban karin, sidaa awgeed ay ka baxday siyaasadii Xisbiyada, isla markaana wixii hada ka danbeeya ay noqonayso Siyaasiyad madax-bannaan.