Warbixin: Arraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights activist.

New York(ANN)-Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibedda Maraykanka Rex Tillerson, ayaa sheegay in siyaasada arrimaha Dibedda Maraykanka aanay ahayn mid gacanta ugu jirta xoghayaha Arrimaha Dibedda, isagoo ku eedeeyay Madaxweynaha Donald Trump inuu wiilka uu sodoga u yahay ee Jared Kushner uu sameeyay markii uu xafiiska joogay waxyaabo baddan oo diblomaasiyada ka baxsan oo aanu aqoonin, taas oo sida uu sheegay keentay dhacdooyin dhowr ah oo sababay waxyaalo qarsoodi ah.

Tillerson, oo xilka uu Trump uga qaaday si afduub ah  March 2018, ayaa dib u tiriyay dhacdooyinkii dhacay Bishii u danbaysay, wuxuuna sidaa ka sheegay isagoo si daah-furan ugu waramayay gudidda arrimaha Dibedda ee golaha wakiiladda oo dhegeysiga kiisaska la sii daayay Khamiistii todobaadkan.

Diblomaasigan oo ka mid ah Diblomaasiyiinta sare ee Maraykanka, isla markaana ka hor intii aanu Madaxweyne Trump u magcaabin xilka Madax ka ahaa  ExxonMobil oo mid ah shirkadaha caalamiga ah ee saliidda ugu caansan.

Madaxweyne Trump si weyn u amaanay markii uu xilkaa u magcaabayay, balse Tilerson,  ayaa ku nuuxnuuxsaday niyadjabkiisa , Kushner ku sameeyay dibloomaasiyadiisa gaarka ah ee Aqalka Cad, isla markaana uu qaaday wiilka uu sodoga u yahay Trump, mararka qaarkood isagoo aan wargalin Wasaaradda Arrimaha Dibedda  Mareykanka iyo Pentagon.

“It makes me angry,” he told lawmakers. “I didn’t have a say,” “Waxay iga dhigeysaa cadho, “sidaa ayuu u  sheegay xildhibaannada. “Ma aanan haysan wax aan idhaahdo,”  Aragtida Wasaaradda Arrimaha Dibedda marna lama sheegin. ” ayuu yidhi, Diblomaasigan oo markii uu hadlayay aad loo dhegeysanayay, isla markaana sumcad ku leh siyaasada ariimaha Dibedda Maraykanka iyo dhaqaalaha dalka.

Mid ka mid ah dhacdooyinkaa yaabka leh, Tillerson, wuxuu sheegay inay dhacday xili uu  casho u joogay huteel ku yaal Washington oo mulkiilaha uu la wadaagay warka aan la fileynin ee ahaa in wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Mexico, Luis Videgaray, uu miiska saaran yahay miiska u dhow Kushner., waan la yaabay ayuu yidhi, waxa Mexican la mataaneeyay caasimada Maraykanka.

Tillerson waxa uu sheegay in aanay xaaskiisu ogayn oo aanu ku wargelin wax aka dhacaya Maraykanka, “Anigu waxaan arkayay midabka ka baxaya wejiga xoghayaha ajnabiga ah ee Mexico sida aniga oo kale – waan ka qosliyay oo waxaan idhi: ‘Ku soo dhowow Washington,’ “ayuu Tillerson  oo dhacdooyinkaa ugua waramaya gudida.

“Waxaan u maleynayaa in aanay doonayn inay carqaladeeyaan waxa ay sameynayaan.” Waxaan ku jawaabay: ‘Ii soo wac taleefanka soo socda markaad timaaddo magaalada, waanan ka tagay, “ayuu yidhi Tillerson.

Dhacdooyinkaasi waxay hoosta ka xarriiqeen xaddiga uu Kushner si qarsoodi ah iskugu dayay in uu maareeyo qaar ka mid ah arrimaha siyaasadeed ee ugu xasaasirsan Maraykanka, isaga oo ka tagay Tillerson iyo saraakiisha sare ee ammaanka qaranka ee mugdiga geliyay wax badan.

Tillerson, ayaa sidoo kale ka hadlay xidhiidhka Wiilka uu sodoga u yahay Trump, Mr. Kushner uu la leeyahay Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman iyo safarkiisa Bariga Dhexe iyada oo aan lala tashan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ama Safaaradaha Mareykanka.

Tillerson waxa uu sheegay in uu walaac ka muujiyay safarrada Kushner, Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in aanu wax badan isbeddelin oo ay shaqo adag ka dhigtay hawshiisa, balse Tillerson wuxuu gudida hortooda ka sheegay in Trump uu yahay mid akhlaaq lahayn oo aan waxba ka jirin, isla markaana aanu jecelayn  inuu wax akhriyo, balse ay tahay intan uu sheegay xogsiin yar oo tusaale fududu ah..

“Waa inaan la qabsanaa xaqiiqda ah in aanay ahayn wax faa’iido leh oo la siinayo wax walbo oo sheegaya in tani ay tahay, waad ogtahay, tani waa maqaal ku filan akhriska,” ayuu yidhi, Tillerson.

Markhaatiga Tillerson ayaa muujinaya sida uu 13-kii bilood ee ugu dambeeyay u ahaa xoghayaha dawladda, mid ka mid ah taariikhda ugu gaaban taariikhda maraykanka, waxana uu wiiqay khilaafka dadwaynaha ee Trump iyo dareenka ah in laga saarey doodihii muhiimka ahaa.

Rex Wayne Tillerson, waa Xoghayihii hore ee arrimaha Dibedda Maraykanka, wuxuu ahaa  Rex Tillerson, xoghayihii 69aad ee Maraykanka, isla marakana noqonaya  xogahayihii  ugu horeeyey ee isagoo safar ku maraya dibbeda xilka laga qaado, waxaana Desember 2016, -2017, ka hor intii aan xilkaa loo magcaabin ahaa Madaxii Compeny ExxonMobil oo mid ah shirkadaha caalamiga ah ee saliidda ugu caansan Maraykanka.

Tillerson, waxaana  xilkaa loo magcaaba February 1, 2017, balse Trump, ayaa si afduub ah uga qaaday, March 2018, wuxuu xafiiska fadhiyay 423 caanamal, markii xilka laga qaaday  maalmamo ka hor isagoo safar ku marayay 2018, dalalka Bariga Afrika, ayaa la sheegay inuu xanuun soo waajaahay, kadib markii Madaxweyne Trump sheegay inuu la kulamyo hoggaamiyaha Woqooyiga Kuuriya oo xiisad weyni ud dhaxaysay Maraykanka.

Tillerson, ayaa ahaa nin xihdiidh dhow la lahaa Madaxweynaha Ruushka Putin, isla markaana ay Madaxweyne Trump saaxiib dhow ahaayeen, waxayna aqalka Senetku cod aqlabiyad ah siiyeen markii loo magcaabay Xoghayaha Arrimaha Dibedda Diblamaasigan oo ruug cadaa ah.