Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Amniga dowladda  Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow, ayaa  sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay isu soo dhiibeen ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu sheegay ciidamada dowladdu ay qabteen 63 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, isagoo dhinaca kale xusay  in 54 Askari oo ka tirsan Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada dowladda ka dib dhacdadii Bishii October.

Wasiirka Amniga Maxamed Islow, waxa kale oo uu sheegay sidoo kale in habeen hore lasoo qabtay nin ku labisnaa dharka dumarka.

Balse Al-shabaab wax war ah kama soo saarin dagaalyahanka xukuumadda Soomaaliya sheegtay in ay isu soo dhiibeen.

 

Dhinaca kale, waxa Jira warar sheegaya in Hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda iyo Ciidamo badan oo ka tirsan Al-shabaab ay soo gaadheen Qeybo ka mida Gobolka Gedo.

 

Haseyeeshee Col. Axmed Aadan Rufle oo ka mida Saraakiisha Ciidamada dawladda Fedraalka  ee Gobolka Gedo, ayaa sheegay in warkaas  uu yahay Been iyo waxba kama jiraan, islamarkaana aanay jirin Ciidamo badan oo ka tirsan Al-Shabaab oo soo galay soonaha Degaanka Ceel-cadde.

“Warka ay Saxaafaddu baahisay waa been iyo Borabogaando Shabaab ma haystaan Saddex Kun oo Askari, waa Koox yar oo Toban Toban u socda oo ka dhuumanaya Ciidamada Dowladda iyo Saaxiibadood”ayuu yidhi  Col. Rufle.

Dhinaca kale qaar ka mid ah dadka  ku nool Degaanada Ceel-cadde iyo Tuulo Burwaaqo oo ka tirsan Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha Al-shabaab oo wata Ciidamo badan oo ka soo baxay Gobolka Jubbada Dhexe uu soo gaadhay Qeybo ka mida Gobolka Gedo, balse  Saraakiisha Ciidamada Xoogga ee ku sugan Gobolka, ayaa  beeniyay wararka noocaa ah ee ka imanaya deegaankaa.