Araweelo News Network

Mogadishu(ANN)-Qarax  iyo weerar wada socda, ayaa maanta lagu qaaday dhismaha Otto Otto ee Xarunta u ah wasaaradda arrimaha gudaha oo ku taal duleedka Madaxtooyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Wararka hordhaca ah oo shebekadda Wararka ee Araweelo News Network heshay. ayaa sheegaya in Gaadhi laga soo buuuxuyay ku qarxay goobtaa oo ah Xarunta xerada Otto Otto oo xarun u ah wasaaradda arrimaha gudaha, Isla markaana daqiiqado kadib Qaraxa rasaas laga maqlay, waxaana markaa kadib laga maqlay qarax kale oo goobta ka dhacay, iyadoo koox dablay ah ay gudaha u galeen dhismahaa.

Wasiirka Warfaafinta dawladda Federaalka ee Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo shir jaraa’id qabtay weerarka kadib, ayaa sheegay in 12 Qof  ku dhinteen weerarka 40 kalane ay ku dhaawacmeen.

Balse Warar kale, ayaa sheegaya in khasaaraha ka dhashay weerrarku intaa ka badanyahay, Isla markaana waxay wararkaasi sheegayaan in ugu yaraan 20 qof oo u badan shaqaalaha wasaaradda ku dhinteen weerarkaa.

sida ay sheegayaan warar shabakada wararka ee Araweelo News Network heshay, waxa weerarkaa ku dhintay saraakiil  ka tirsan Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Amniga oo ay ka mid yihiin Maxamed Axmed Ilkacase oo ka tirsnaa saraakiisha sare ee Wasaaradda sarkaalkaa oo hore u soo noqday Xoghayaha Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Dowladdii Madaxweyne Xaan Sheekh iyo sidoo  kale Liibaan Cusmaan oo ka mid aha Agaasime waaxeedyada Wasaaradda, waxaana saraakiisha ku dhaawacantay ka mid ahaa  Agaasimaha Waaxda Amniga ee Wasaaradda iyo dad kale oo isugu Jira Askar iyo shacab ah.

Xaalada, ayaa si weyn wax uga bedeshay jawiga magaalada oo ka dhigtay mid kacsan, iyadoo weerarku kusoo beegmay xili ay xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya sheegtay in ay xoogga saartay sidii ay Amaanka goobahaa ay ku yaaliin xarumaha dawladdu ku yaaliin.

Goobta qaraxyadu ka dhaceen, ayaa u dhow Villa Soomaaliya oo Qiyaastii hal KM u jirta, halkaas oo ah dhismaha Wasaaradda Arrimaha Guddaha Soomaaliya, waxayna Sidoo kale kasoo horjeedaa xarunta Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana goobta qaraxu ka dhacay, ayaa ka mid ah meelaha sida weyn ammaankooda loo ilaaliyo.

Kooxda Al-shabaab oo inta badan qaraxyo iyo weeraro ka fuliya gudaha magalaada muqdisho, ayaa sheegtay in ay qaraxyadaa iyo weerrarka ay fuliyeen ciidankoodu oo ay markaa kadib gudaha u galeen dhismahaa, Isla markaana toogteen saraakisha ku sugnayd Xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Amniga.