“Go’aamada Guddiga waxa loo raacayaa Sharciga Dalka u yaal, waana soo dhowaynaynaa.” Maxamed Kaahin Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee KULMIYE.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland iyo Xisbigeeda KULMIYE, ayaa ka hadlay mawqifkooda go’aamada ay soo jeediyeen Guddiga dhex-dhexaadinta ee ay labda Xisbi Mucaarad dhankooda soo dhoweeyeen.


Xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa ka dhawaajiyay sida ay u arkaan iyo mawqifkooda soo jeedinta gudddiga dhex-dhexaadinta ee ku dhex jiray sidii xal loogu heli lahaa khilaafka xukuumadda, Xisbiga KULMIYE iyo labada xisbi ee mucaraadka, kuwaas oo shalay shaaciyay saddex qodob oo soo jeedin ah oo ay u arkeen inay xal u noqon karaan khilaafka siyaasiga ah ee soo jiitamay.


Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, isla markaana ah Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga KULMIYE, Maxamed Kaahin Axmed oo maanta warbaahinta kula hadlay Xarunta Xisbiga KULMIYE, ee Hargeysa, ayaa sheegay in Xisbi ahaan ay soo dhowaynayaan go’aamada ay soo jeediyeen Odayaasha, Culimada iyo ganacsatada.


Balse Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee KULMIYE, Maxamed Kaahin, oo sheegay inuu ku hadlayo mawqifka Xisbiga, wuxuu isagoo ka hadlaya Xisbi ahaan sida ay u arkaan go’aamadaa sheegay inay soo dhowaynayaan, balse wuxuu xusay in loo eegayo sharciga.
“Guddiga Odayaasha ixtiraam badan ayaanu u haynaa, waana soo dhowaynaynaa, qaraarka ay soo saareen wuxuu ka koobnaa shan qodob, laba qodob waxay khuseeyaan Komishankii hore iyo Komishanka cusub, xisbiga KULMIYE, wuxuu si buuxda u taageerayaa qaraarka ay soo saareen, waxa kale oo KULMIYE, taageerayaa tilmaanta ay raaciyeen ee ay yidhaahdeen, “waxa loo raacayaa sharciga dalka”, waayo qaraarka ay kasoo jeediyeen Komishanka cusub iyo qaraarka ay kasoo soo jeediyeen Komishankii hore, labadaba waxaa loo raacayaa dariiqa sharciga ah.” ayuu yidhi, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee KULMIYE, Maxamed Kaahin.


Sidoo kale, wuxuu sheegay in qodobka soo jeedinta ee sheegaya in Xisbiyadu ka waantoobaan wixii keenaya cunfi, wuxuuna sheegay, isagoo ku hadlaya Magaca Xisbiga in ay balanqaadayaan in ay fuliyaan qodobkaa, wuxuuna xusay in aan Xisbiga KULMIYE, looga baran sida uu sheegay dhawaaqyo abuuri-kara kala qaybinta Bulshada.


Dhinaca kale, Maxamed Kaahin, wuxuu ka hadlay gogoshii Madaxweynaha Somaliland u fidiyay dhowaan labada Xisbi Mucaarad, isagoo sheegay in marti-qaadka Madaxweynuhu hore ugu fidiyay labada Xisbi ee Mucaaradka ay weli dhanka Madaxweynaha ka taagantahay oo aanay waxba iska bedelin.


Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Warfaafnta Somaliland, Saleebaan Cali Koore oo u hadlay xukuumadda, ayaa sheegay in qodobada soo dhowaynayaan soo jeedinta Guddiga, balse waxa uu si cad u sheegay in loo raacayo sharciga, maadamaa dalku leeyahay nidaam sharci iyo distoor.


“Qodobka muddo-kordhinta, waxaan leeyahay wuxuu qodobkaasi u yaal Xisbiyada, sababtoo ah waxay ahayd inta aan Kordhintu dhicin inay ka wada hadlaan qaabkii doorasho ay u wada geli lahaayeen xisbiyadu, Madaxweynuhuna diyaar ayuu u ahaa intaan ogahay diyaar ayuu u ahaa in dalka doorashadu ka dhacdo. balse arrintaa sida aad ogtihiin Xisbiyada way ka dhamaamanweyday oo waxa mawduuc laga dhigtay Komishankii, taas ayaa keentay inay isa soo taagto waqtigii ugu danbeeyay ee muddo-kordhinta, maantana weli waxay u taalaa arrintaasi in Xisbiyadu ka wada hadlaan.” ayuu yidhi, Wasiirka warfaafinta Saleebaan Cali Koore oo warbaahinta la hadlay maanta.