Araweelo News Network

ambassadorqarax
Mogadishu(ANN)Xukuumadda Somalia, ayaa ka hadashay weerar lagu qaaday galabta Huteel Ambassador Muqdisho oo sababay dhimashada Laba Xidhibaan dad kale oo aan weli si rasmi ah loo aqoonsan.

Raysal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo ka hadlay weerarka ayaa cambaareeyey weerarkaa argagixiso ee galabta lagu qaaday hotelka Ambassador, kaasoo ay waxyeelo ka soo gaadhtay shacab iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliyeed, kuwaasoo sida uu sheegay u adeegayay bulshada.

Raysal Wasaaraha Cumar, wuxuu tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen xildhibaanada kala ah Cabdullaahi Jaamac Xuseen (Kabaweyne) iyo xildhiibaan Prof. Maxamuud Maxamed Guure, wuxuuna Alleh uga rajeeyey inuu naxariistiisa janno siiyo.

“Weerarkani qasaaraha ugu badan wuxuu ka soo gaadhay shacab maati ah, maadaama goobta la beegsaday ay ku yaaleen xarumo ganacsi, waxaana tacsi u dirayaa shacabka aan waxba galabsan ee lagu xasuuqay weerarkan” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

“Weeraradan ma hakin doonaan horumarka iyo nabadda dalka, waxaana farayaa hay’addaha amnigu inay sii laban laabaan sugida amniga iyo ka hortagga falalka gurracan ee argagixsada” ayuu Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmarke yidhi, balse ma sheegin tirada khasaaraha dhabta ah ee ka dhalatay weerarrarkaa iyo xaaladu sida ay tahay.