Share this:

" />
Published On: Tue, Dec 25th, 2018

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Cashuuraha Lagu soo Rogay Warbaahinta Dalka Iyo Golaha Wakiiladda Oo Meesha Ka Saaray

Smiley face


Hargeysa(ANN)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa Warbaahinta dalka ku boorriyey inay raacaan xeerarka dalka u yaalla isla markaana iska bixiyaan cashuuraha ku waajibay ganacsigooda.

Sidaasna waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ay faafisay maanta  Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, oo uu ku saxeexnaa Wasiirka Warfaafintu, waxaanu u   qornaa sidan:-

“Waxa maalmahan aad loo hadal hayey wax ka bedelka tacriifadda Warbaahinta ku waajibtay oo Saxaafadda iyo siyaasiyiinta qaarkood si gurracan u sifeeyeen, iyagoo bulshada uga dhigay culays Xukuumaddu saarayso Warbaahinta.

Haddaba, iyada oo Wasaaradda Warfaafintu ka duulaysa muhiimadda ay qaranka u leedahay saxaafaddu waxay u caddeynaysaa bulshada Somaliland in aanay haba yaratee jirin culays ay xukuumadu saarayso hay’daha Warbaahinta, balse ay waajib tahay in Warbaahintu noqoto cashuur bixiye rasmiya oo la mid ah ganacsatada iyo muwaadiniinta  kala duwan ee cashuur bixiyayaasha ah.

Waxaynu og nahay in warbaahintu ka mid tahay hay’daha ganacsi iyo wax soosaar ee dalka, sidaa darteed, waxa la gaadhay xilligii ay u hagar bixi lahayd bixinta cashuuraha ku waajibay, maadaama oo 27kii sanno ee la soo dhaafay aanay warbaahintu wax cashuura bixin.

Warbaahinta kala duwan ee dalka, waxaa looga baahan yahay inay aamminsanaato in bixinta cashuuruhu yihiin waajib dastuuri ah oo saaran muwaadin kasta derajo kasta oo uu leeyahay iyo shaqo kasta oo uu hayaba,  waxa habboon in aanay Saxaafadda dalku iska dhigin qaar ka hooseeya jeeb ahaan ganacstada yar-yar iyo wadhatada  ka xoogsata suuqyada magaalooyinka dalka oo si hagar la’aan ah qarankooda ugu hura cashuuraha ku waajibay, iyadoo   qaarkood ay masaariiftooda kala soo baxaan ganacsi  aad uga yar lacagta  ay Warbaahintu ka qaado dadka ay u baahinayaan  wararka, barnaamijyada iyo  xayeysiiska hal mar baxaya.

Waxa, haddaba, la gaadhay  xilligii ay Saxaafadda dalku dareemi lahayd in cashuuruhu yihiin mishiinka lagu wado adeegyada bulshada iyo sugidda xuduudaha dalka, isla markaana ay hormuud ka noqdaan  u hagar-baxa cashuuraha ku waajibay ganacsigooda.

Si kastaba ha ahaatee, tacriifada cashuureed ee Warbaahinta ku waajibtay ee ku jirta miisaaniyad sannadeedka qaranka 2019ka, waxay noqonaysaa lacagta diwaangelinta (Registration Fee) ee Hay’adaha Warbaahinta  cusub ee dalka laga furayo oo hal mar laga qaadi doono iyo cashuurta liisanka sannadlaha ah ee ganacsiga.

Sidaa awgeed, waxaan  mulkiilayaasha warbaahinta ku boorrinayaa in ay noqdaan cashuur bixiye wanaagsan oo qaranka wax ku leh, una hoggaansan nidaamka iyo qawaaniinta  dalka.” Ayaa lagu yidhi , war-saxaafadeedka.

Dhinaca kale Guddida dhaqaalaha Golaha wakiiladda, ayaa gebi ahaanba ka saaray tacriifada warbaahinta lacagta lagaga dalbanayo ee lagu daray miisaaniyadda sannadkan 2019, sidoo kale, waxay guddida dhaqaalaha ee golaha wakiiladdu sheegeen in ay miisaaniyadda ka saareen tacriifado ay sheegeen in aanay meesha ku haboonayn.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp