Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa Sharaxaad ka bixisay go ‘aamo shalay kasoo baxay guddida la tacaalista Cuddurka COVID-19  ee heer qaran oo shaaciyay in la joojiyay gebi ahaanba isu socodka gaadiidka Iyo dadka maalmaha lagu jiro Ciiddal-fidriga.

Madaxweyne ku xigeenka  Somaliland, Isla. markaana ah guddoomiyaha Guddida Covid-19, ayaa faahfaahin ka bixiyey go’aamada ay soo saareen shalay ee  ay ku xaddideen isu-socodka dadka iyo gaadiidka ee gobollada dalka si looga hortago faafitaanka xannuunka Coronavirus.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) oo maanta la hadlay warbaahinta dowladda, waxa uu sheegay inaanay jirin isu-socodka gaadiidka iyo dadka ee gobollada, balse la oggol yahay in isu-socodku ku koobban degmooyinka gobolku ka kooban yahay, isagoo taas ku sababeeyey in jiraan gobollo dalka ka mid ah oo uu ku badan yahay Xannuunka Covid-19.

sidaa awgeed ay go ‘aankaa usoo saareen si aan xannuunku ugu faafin gobolada kale.

Halkan ka Dhegeyso