Hargeysa(ANN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa soo saartay go’aamo khuseeya shaqaalaha dawladda iyo wasaaraddaha iyo Hay’addaha kale ee dawladda, kadib Fadhigii Golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay maanta habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference).
Fadhigaa oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) waxa golaha lagaga hadlay xaaladda guud ee waxbaradshadda dalka, shaqaalaha aan joogtada ahayn ee ka hawlgala hay’addaha kala duwan ee dawladda, waxa kale oo goluhu dood ka yeeshay xeerka shaqaalaha dawladda iyo siyaasadda qaran ee shaqo abuurka Somaliland.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska, ayaa golaha warbixin ka siiyay heerka waxbarashadda dalku ay marayso iyo sidoo kale himilooyinka waxbarashadda ee ku qotoma maamul daadejinta waxbarashadda, tayaynta waxbarshadda iyo fidinta waxbarshadda ee dalka oo dhan.
Wasiirku waxa uu xusay in 1,516 (kun, shan boqol iyo lix iyo tobban) degsiimo oo ay Somaliland ka kooban tahay 620 (lix boqol iyo labaatan) degsiimo oo u dhigma boqolkiiba afartan (40%) aanay lahayn adeegga waxbarashadda ee Aas-aasiga ah waxana uu tilmaamay in saddexda sanno ee soo socda ay wasaaradda u qorshayshan tahay in ay degsiimooyinkaas ku fidiso adeegyada waxbasashadda, dhanka kale waxa uu sheegay in ay ku hawlan yihiin daadejinta maamulka waxbarashadda guud ahaan dalka oo dhan.
Wasiirku waxa uu xusay in ay ku guda jiraan tayaynta heerarka kala duwan ee waxbarshadda isagoo xusay inay bilaabeen tayaynta Jaamacaddaha dawliga ah, sidoo kalana ay qorshe u sameeyeen tayaynta Jaamacadaha gaarka loo leeyahay.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa go’aamiyey dhaqan gelinta go’aamada ay golaha u soo jeediyeen guddi uu hoggaaminayey Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka koobnayd Toddoba wasiir iyo guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda, kuwaas oo hore loogu xilsaaray inay go’aan kama danbays ah ka soo gaadhaan qaabka loo maaraynayo shaqaalaha ku meel-gaadhka ah ee ka hawlgala hay’addaha kala duwan ee dawladda, qodobadaas oo dhignaa sidan:
1. In tirada Shaqaalaha ku meel-gaadhka ah ee ku jiray warbixintii Hay’adda shaqaaluhu la wadaagtay Golaha wasiirrada oo dhammayd 1,009 (kun iyo sagaal qof) kana kooban 19 wasaaradood iyo 9 Hay’adood ay madax-taabasho, qiimayn iyo hubin ku soo samayso soona saarto liis kama danbays ah oo rasmiya.
2. In xubnaha ku soo baxa liiska rasmiga ah ee shaqaalaha ku meel-gaadhka ah loo aqoonsado inay yihiin xubno shaqo carbin (Internship) kula shaqaynaya wasaaradaha iyo hay’adaha ay ka tirsan yihiin sidaasna ku diiwaan-geliso si ku meel-gaadh ah Hay’ada Shaqaalaha Dawladu sanadkan 2020.
3. In iyadoo loo raacayo sida uu dhigayo habraaca sharci ee shaqo qorista iyo xulista ee Hay’adda shaqaalaha dawladdu ay dhammaan xubnaha shaqo carbinta loo diiwaangliyay lagu soo daro miisaaniyada 2021, iyadoo wasaarad iyo hay’ad kastaa tirada rasmiga ah ee ay u diiwaangelisay Hay’adda shaqaaalaha dawladu ku soo darsanayao oddoroska miisaaniyadda ay sanadka 2021.
4. Wasaaradaha caafimaadka iyo Waxbarashada oo aan tirada shaqaalaha ku meel-gaadhka ah ee qodobka 1aad ku cad ku jirin, kuwaas oo aan liisaskooda soo gudbin, waxaa la go’aamiyay in dib loo dhigo, loona qaybiyo 2 sanno oo is xiga, maaddaama tiradoodu badan tahay laga bilaabo sannadka 2023 ilaa 2024-ka.
5. Waxa si rasmiya gebi ahaanba loo joojiyay lana madnuucay qaadashada xubno kumeel gaadh ahaan wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawlada ku hawl-geliyaan sifo kasta oo ay tahay. Wasaaradda ama Hay’adda go’aankan ka dib qaadata shaqaale kumeel-gaadh ah waxa loo aqoonsanayaa sharci darro baalmarsan xeerarka shaqaalaha.
Ugu danbayn golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerka Shaqaalaha Dawladda oo kaabis iyo wax ka beddel lagu sameeyey, sidoo kale waxa uu goluhu dib u dhigay doodda Siyaasadda Qaran ee Shaqo abuurka Somaliland oo wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ay golaha hor keentay.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.