Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaqada ka eriday Taliyihii Xabsiga dhexe ee Magaalada Xamar, kadib markii lagu eedyeey inuu silic dilay mid kamida maxaabiista ku xidhnaa xabsiga oo si xoog ah uu Cusbitaalka lagu dawaynayay ugala soo wareegay.

Sida uu sheegay Af-hayeenka ciidamada Asluubta Dawladda Federaalka Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in ay aad u cambaaraynayaan falkii lagu dilay Marxuum Xasan Kurtun Calasoow oo kamid ahaa maxaabiistii Xabsiga dhexe ku xidhnayd.

Af-hayeenka Taliska Asluubta, wuxuu sheegay in shaqada laga eryay Jeneraal Maxamed Shiikh Xirsiile oo ahaa Taliyaha Xabsiga dhexe, kaas Cusbitaalka Martiin kala baxay Maxbuus Xasan Kurtun Calasoow, isagoo xaaladiisa caafimaad ay aad u liidato, isla markaana xilligaa lagu dawaynayay Cusbitaalka.

Xukuumadda, ayaa magcawday guddi baadha qaabkii loo dilay Maxbuus Kurtun Xasan, waxayna tallaabada ay qaaday Xukuumadda kusoo beegantay markii si weyn loogu baahiyay warbaahinta maxaliga qaarkeed iyo Baraha Bulshada muuqaal muujinaya marxuumka oo Cusbitaalka lagaga baxayo, iyadoo xaaldiisu ay aad u liidato, isla markaana laga diiday eheladiisa iyo maamulka Cubsitaalka in loo daayo Cusbitaalka marxuumkaa inta xaaladiisa lala tacaalayo.


Dhinaca kale waxay talaabaada xukuumaddu qaaday kusoo beegantay kadib markii Ehellada Maxbuuska sida silica ah loo dilay ay warbaahinta ka sheegeen in ay tallaab adag ka qaadi doonaan dowladda Federaalka haddii aanay dhegysan inay kala hadlaan qaabka loo dilay maxbuuskaa, xilli uu ku jiray Cusbitaalka oo su khasab ah uu sarkaalkaasi u saaray gaadhi qabaal ah oo sita sumada ciidanka Asluubta Soomaaliya.