Riyad(ANN)-Xukuumadda Boqortooyada Dalka Sucuudiga, ayaa dalkeeda ka masaafurinay muwaadiniinta u dhalatay shan Dal oo Afrikaan ah, kuwaas oo lagu soo rogay qawaaniin iyo sharciyo lagaga tarxeelayo Sucuudiga.


Sidaana waxa xaqiijiyay Qoraalo Dukumeentiyo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dalka iyo Xafiiska Socdaalka oo ay heshay shebekadda Araweelo News Network, kuwaas oo nuqulada koobiyada go’aannada kasoo baxay xukuumadda lagu amray inay sida ugu dhaqsaha badan u fuliyaan, isla markaana ku dabagalaan Hay’addaha ay khuseeyeen awaamiirta lasoo saaray, isla markaana si deg-deg ah u fuliyaan.


Dalalka Muwaadiniintooda Boqortooyada Sucuudigu ka saaray dalkeeda, ayaa sida lagu sheegay qoraalka kala ah, Ethiopia, Somalia, Ereteriya, Nigeria, iyo Chad, waxaana lagu amray muwaadiniinta kasoo jeeda dalalkaa inay ka faa’idaystaan fursadan iyo mudada loo qabtay oo ah saddex bilood gudahood, isla markaana waxa lagu xusay qoraalada awaamiirta in haddii ay mudadaa fursada la siiyay kaga bixi waayaan ay la kulamayaan tallaabooyin laga qaadayo.


Dhinaca kale, Wargeyska Okaz oo ka mid ah Wargeysyada kasoo baxa dalka Sacuudiga, ayaa shaaciyay soo saarista muwaadiniinta u dhalatay dalalkaa ee laga masaafurinayo dalka Sucuudiga, kuwaas oo aan loo cusboonaysiinayn ciqaamadaha ay ku joogeen dalkaa.

Dhinaca kale, La-Taliyaha Qunsulka Arimaha Siyaasada ee Qunsuliyada Ethiopia ee Jeddah, Mesbah Muhammad, ayaa xaqiijiyay inay heleen qoraal Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga oo ay dalkeeda kaga masaafurinay muwaadiniin Ethiopian ah, balse waxa uu xusay inay arrintaa dhawr jeer ka wada hadleen masuuliyiinta ay khusayso ee Dalka Sucuudiga, wuxuuna xusay inay filayaan in laga reebo dadka laga saarayo dalka muwaadiniintooda.


Go’aanka Xukuumadda Dalka Sucuudiga, ayaa soo baxay kadib kulamo xidhiidh ah oo ay yeesheen Guddi ka kooban dhowr wasaaradood, oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Arrimaha Gudaha, Shaqada iyo Horumarinta Bulshada, Xarunta Macluumaadka Qaranka, Hay’adda Sirdoonka Sacuudiga, kuwaas oo yeeshay shirar ku saabsan ansixinta farsamooyinka ay diyaariyeen mas’uuliyiinta ay khusayso si loo go’aamiyo mas’uuliyadaha Hay’addaha mid walba gaarkeeda u khuseeya, isla markaana wararka laga soo xigtay qaar ka mid ah masuuliyiinta Hay’addahaa ayaa sheegaya in Xukuumadda Ethiopia iyo Boqortooyada Sucuudigu uu jiray heshiis ay hore uga gaadheen arrimahaa oo ay wada saxeexeen labada dal.


Waxa jira ilo-wareedyado kale oo sheegaya in safaaradda Ethiopia u bandhigtay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Sacuudiga aragtidooda, isla markaana dhankeeda Xukuumadda Ethiopia qoraal cad kasoo saaray go’aanka masaafurinta muwaadiniintooda ku sugan dalka Sucuudiga, kuwaas oo la marka la xaqiijiyo Dukumeentiyadooda, sida aqoonsiyada dhalashadooda, tigidhada safarka iyo shahaadooyinka dhalashada, iyadoo ugu yaraan maalintii lasoo xaqiijinayo 200 qof, oo la siinayo dukumeentiyada safarka.


Tallaabada xukuumadda Sucuudiga, ayaa kusoo beegmay, iyadoo xukuumadda Sucuudigu dalkeeda markii u horaysay ka samaysay goobo dalxiis oo ay dadka ajaanibka si xor ah u iman karaan, isla markaana ugu dalxiisi karaan, taas oo qayb ka ah qorshaha cusub ee dhaxal-suga Maxamed Bin Salmaan oo wax baddan ka bedelay siyaasadii iyo nidaamkii uu dalku kusoo dhaqmayay muddada dheer.


Xukuumadda Sucuudiga, waxay hore ugu adkaysay waraaqaha caafimaadka dadka ka yimaada Dalalka Nepal, Thailand, Vietnam, Sudan, Nigeria, Somalia, Djibouti, Kenya, Ethiopia iyo Eritrea, dadyowga kale ee dalkeeda yimaada ku macnaysay kuwo aanay muhiim ahayn in la hibiyo waraaqahooda caafimaad iyo baadhitaankooda dhanka caafimaadka.