• Dhiig laga qaaday Adhi, Xayawaano kale iyo dareere sida Saliida Baabuurta iyo dheecaanka Babayga oo natiijada kasoo baxday sheybaadhka COVID-19, Dhalisay shaki weyn

Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist

Dar es Salaam(ANN)-Tansaaniya ayaa shaqadii ka joojisay madaxii sheybaarka caafimaadka qaranka ee u xilsaarnaa baadhitaanka cuddurka coronavirus, maalin kadib markii Madaxweynaha John Magufuli uu su’aal galiyay saxsanaanta baadhitaano tijaabo ah oo lagu sameeyay sheybaadhka.

Dawladda Tansaaniya, ayaa ku tijaabisay shaybaadhka lagu oggaado cuddurka Coronavirus, dhiig laga qaaday Adhi, Xayawaano kale iyo waxyaabo kale oo dareere ah sida Saliida Baabuurta iyo dheecaanka Babayga khudrada ah ee la cuno, taas oo natiijada kasoo baxday sheybaadhka lagu baadhayay xannuunka COVID-19, ay dhalisay shaki weyn , isla markaana si lama filaan ah meesha uga saartay in lagu go’aan qaato jawaabaha sheybaadhka.


Madaxweynaha John Magufuli oo si joogto ah hoos ugu dhigay saamaynta fayriska ee dalkiisa, ayaa sheegay axadii inuu si qarsoodi ah u baadhay xayawaan, midho iyo saliida baabuurta sheybaarka. digaag, deero iyo Adhi waa laga helay xannuunka Coronavirus, (resulted in positive coronavirus COVID0-19)- sida uu sheegay madaxweynaha dalka Tansaaniya ee ku yaal Afrikada Bari.

Dalka Tansaaniya tirada kiisaska xannuunka Coronavirus ayaa gaadhay, 480, waxa u dhintay 16 qof, halka 167 qof kasoo kabteen xannuunka COVID-19. sida lagu sheeciyay degelka lagu kaydiyo xoggta xannuunka ee dunida worldometers.info.


Arrintan ayaa noqotay mid aad u xiiso badan oo si weyn u qabsatay warbaahinta dunida, waxaana ay shaki gelisay gebi ahaan qalabka dalalka Afrika laga iibiyay ee shaybaadhada la doonayo in lagu oggaado xannuunka sida weyn aduunka ugu faafay ee Coronavirus iyo weliba waxyaabaha lagu sheego in layskaga difaacayo sida Gafuur-xidhka iyo waxyaabaha gamcaha la gashado.


Dalka Iiraan oo ka mid ah dalalka uu kusoo horreeyay xannuunka Coronavirsu ee Koonfurta Aasiya, ayaa marar baddan ka digay in aan la siyaasadayn xannuunka, waxyana Maraykanka ku eedeeyeen in uu qayb ka yahay masiibada aduunka ku habsatay ee COVID-19, isla markaana khuburada dhanka Sayniska iyo xeel-dheerayaasha dawooyinka ee Iiraan ayaa uga digay dalaka Islaamka inay iska hubiyaan qalabka lagu baadhayo xannuunka iyo waxyaabaha loo adeegsanayo in lagaga hor-taggo oo ay sheegeen in qaarkood qayb ka noqon karaan faafitaanka Coronavirus.


Dhinaca kale, Xuutiyiinta Dalka Yemen, ayaa ku eedeeyay mar horre in dalalka Imaaraadka iyo sucuudigu doonayaan in xannuunkaa loo soo waarido dalka Yemen, waxayna ka digeen in dadka reer Yemen ay qaataan Gafuur-xidhka ay qaybinayaan Sucuudiga iyo Imaaraadku.

Saraakiisha iyo khuburada Iiraan, ayaa sheegay in qalabkaasi uu yahay mid ay Yuhuudu doonay in lagu faafiyo xannuunka, waxaana xusid mudan in muddo kadib markii ugu horraysay lagu arkay xannuunka Koonfur Bari dalka Yemen, halkaas oo la sheegay in lagu arkay qofkii u horreyay markii qalabkaa la geeyay.

AKHRI; Sacuudiga Oo Masaafurinaya Dadka Qaba Coronavirus, Saraakiisha Yemen Oo Shacbiga Uga Digay Inay Qaataan Gafuur-xidhka Sacuudigu Qaybinayo


Xukuumadda Dalka Turkiga ,ayaa dhankeeda sheegtay mar horre in xannuunku uga soo gudbay dhanka Sucuudiga, halkaas oo ay kasooo laabteen xujaaj kasoo dawaafay xaramka, kuwaas oo laga helay qofkii u horreeyay Turkiga Ckiioronavirus, kadib markii ku dhowaad Toban kun oo xujaajta soo cimraysatay la geliyay karantiin, waxayna xukuumadda Turkigu ku eedaysay Masuuliyiinta Sucuudiga inay xannuunka u qarinayaan dalalka Muslinka ee dadka xannuunsanaya ku daabulayaan.

AKHRI: Maraykanka Oo Kaalinta Koowaad Ka Galay Dhimashada COVID19 Iyo Turkiga Oo Sucuudiga Ku Edeeyay Inuu Qarinayo Fayriska


Sidoo kale, waxay arrintan khashiftay walaaca ay dalal badan ka qabeen xannuunka dunida sadheeyay, kaas oo weli Maraykanka oo ka mid ah dalalka uu sida weyn dhulka ula galay ee ugu faafay iyo Dalka Shiinaha ee uu kasoo bilaabmay isku canbaaraynayaan, iyadoo Madaxweyne Trump iyo khuburo dhanka Sayniska ee Maraykanku ku eedaynayaan inuu dalka Shiinuhu ku faafiyay aduunka, isla markaana lagu xisaabtamayo.

Muuqaalkan ka Daawo Madaxweynaha Tansaaniya John Magufuli oo fashilka dhacay ka hadlaya.

Coronavirus, oo kasoo faafay dalka Shiinaha, gaar ahaan magaalada Wuhan ee gobolka Hubei, Desember 2019, waxaana xannuunka safmareenka ah ee sadheeyey dunida loo bixiyay COVID-19, tan iyo markii uu kasoo faafay halkaa wuxuu ku baahay dunida oo dhan, isagoo in ka badan 3,971,955, asiibay, isla markaana ay u dhinteen inta la ogyahay, 273,823, halka ay kasoo kabteen dad gaadhaya, 1,370,810,.

Sida ay sheegayaan warbixinaha ugu danbeeyay ee lagu diiwaaan geliyay diiwaanka xannuunka COVID-19, May 7, 2020 3 : 00 PM (GMT+3), degelka Worldometer, oo ah Degel tixraac oo bixiya tirinta iyo tirakoobka waqtiga-dhabta ah ee mowduucyada kala duwan, xilligana ah halka ugu weyn ee lagu ururiyo COVID-19, tira uu asiibay ee dunida oo dhan.

Balse waxa xusid mudan in ay tirooyinku saacad saacad isu bedelaayan, isla markaana dalal badan oo dunida ah ay si weyn u waajaheen jaah-wareer, taas oo sababtay in aan lahayn xog dhab ah oo ku saabsan baaxada faafitaanka iyo tirada dhabta ah ee dadka u dhintay xannuunka COVID-19.

Dunida oo dhan ayaa ka qaylinay Fayriska ku faafaya Adduunka, kaas oo isaga gudbay dacalada iyo daafaha dunida, isla markaana kala qoqobay isu socodka aduunka, iyadoo dhinaca kale uu si weyn dhulka ula simay dhaqaalaha aduunka oo gaadhsiiyay khasaare weyn, gaar ahaan dalalkii sheeganayay in ay hormood u yihiin dhaqaalaha aduunka, kuwaas oo ay kow ka yihiin Maraykanka, Dalalka Yurub iyo kuwa Khaliijka ee saliida qaniga ku ahaa, kuwaas oo saamaynta ugu xun uu ku yeeshay Coronavirus.

AKHRI: Fadeexaddo Kasoo Baxay Dawooyin Horre U Fashilmay Oo Maraykanka Loo Isticmaalay Coronavirus Iyo Dooddaha Ka Taagan

Fayriska, ayaan ilaa hada loo helin dowooyin iyo talaal midna, waxayna khuburada Caafimaadka iyo dhakhaatiirtu ku talinayaan in uu leeyahay ka hor-tag keliya oo ah inaad raacdo tilmaamaha iyo tallooyinka ay bixinayaan dhakhaatiirtu. sida kala fogaanshaha dadka, ilaalinta iyo taxadirka oo mar walba lagu dedeealo.

AKHRI: #Coronavirus: Doodaha Murugsan Ee Maraykanka, Sababaha Ay Nafteedta U Haligtay Dhakhtarad Safka Hore Kaga Jirtay Dagaalka COVID-19