xaflada la duqeeyay ee arooska Yemen
Yemen-Mocha(ANN)Xulufada Dagaalka Yemen, ayaa gaashaanka ku dhufatay inay Diyaarado ay leeyihiin masuul ka ahaayeen weerar dhinaca cirka ah oo lagu qaaday xaflad aroos oo ka socotay Magaalada Xeebta dhinaca Koonfur Galbeed ee Mocha oo ku taal Badda Cas.

xafladaha aroosyadayemen
Munaasibad balaadhan oo Aroos Axadii todobaadkan ka dhacayay halkaa oo uu lahaa mid ka mid ah Xuutiyiinta gacanta ku haya magalada Mocha ee dekeda ah, waxa haleelay duqaymo dhinaca Cirka ah, waxaana ku dhintay 131 dad lagu qiyaasay sida ay wakaalada wararka ee Reuters u sheegeen saraakiisha Cusbitaalka Maqbana, balse afhayeen u hadlay Xulufada ayaa sheegay in aanay wax lug ah ku lahayn weerarkaa, isla markaana aanay diyaaradaha ay leeyihiin dalalka xulufadu muddo sadex maalmood ah wax duqayn ah ka samayn deegaankaa.
Xukuumadda Dalka Yemen ee Madaxweyne Cabdirabbo Masnuur, ayaa dhaleecaysay weerarkaa oo ay sheegtay inay ku nafwaayeen dad maato ah oo u baddan dumar iyo caruur, waxaana weerarkaa ka dhashay muran u dhexeeya labada dhinac, iyadoo durba Hay’addaha xuquuqda Aadamuhu ku tilmaameen weerarkaa mid waxashnimo ah oo lagu gumaaday dad maato ah oo u baddan Dumar iyo caruur.

Goobta Aroosku ka socday oo ahayd laba Teendho oo waaweyn, waxa lagu tilmaamay inay ahayd munaasibad Aroos balaadhan oo ay kasoo qayb galeen dad baddan oo qaarkood ka yimaadeen deegaamo kale, iyadoo arooska uu lahaa mid ka mid ah kooxda Xuutiyiinta ee ay ugaadhsanayaan Xulufada Sucuudigu, waxaana goobta ku nafwaayay dadkii ugu badnaa ee duqayn dhinaca Cirka ah ku dhinta tan iyo March kal hore markii xulufada Sucuudigu weerarada duqaynta ah ka bilaabeen dalka Yemen.
Dagaalada ka socda dalka Yemen, ayaa u muuqda mid aan wax xal ah loo hayn, kaas oo sababay dhimashada tiro gaadhay 5,000, kuwaas oo ay ku jiraan 2,355 shicib haween iyo Caruur ah, waxaana duqaynta dhinaca Cirka lagu qiyaasay inay ku dhinteen sadex meelood meel ahaan tirada dadka dhintay, iyadoo kumaan qof oo u dhashay dalka Yemen u qaxeen dalka gudihiisa, gaar ahaan meelaha Miyiga, halka kumanaan kale u qaxeen dlalka jaarka sida Somaliland iyo Djibouti.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380