Araweelo News Network

Riyadh(ANN)- Saraakiisha Militariga dalka Yemen ayaa sheegay in fallaagada Xuutiyiinta ay ku go’doomiyeen ciidamada ka socda dalka Suudaan ee ku sugan gobolka Waqooyiga dalkaa ee Hajjah, isla markaana khasaare dhimasho iyo dhaawac gaadhsiiyeen.

 

Wararka ayaa sheegaya inuu yahay khasaarihii ugu weynaa ee soo gaadha ciidamada ka socda dalka Suudaan ee ku sugan dalka Yemen, kuwaas oo dalkaas ka hawl gelayey tan iyo sanadkii 2015, isla markaana qayb ka ah xulufada ku wehelisa dalka Sucuudiga dagaalka uu ka wado dalka Yemen ee kula jiro Xuutiyiinta iyo xulufadooda.

 

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Suudaan aanay ahayn dalka keliya ee ku lug leh loollanka ka taagan dalka Yemen, balse ay jiraan boqolaal ciidamo ah oo u dhashay dalka Eritera ay sidoo kale qayb ka yihin kuwa ka socda dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, kuwaas oo qayb ka ah isbahaysiga Sucuudiga, isla markaana Saldhig Military ku leh dekadda lagu magcaabo Assab ee Eriterea.

 

Imaaraatka Carabta, ayaa sidoo kale saldhig ku leh Jamhuriyadda Somaliland, kaas oo daba socday heshiis Shirkadda DP. World kula wareegtay dekedda istiraatiijiga ah ee Berbera.