Araweelo News Network.

 

#Tanzania, #Dar es Salaam (ANN)- Madaxweynaha Dalka Tanzania,  #Samia Hassan ayaa ku amartay mas’uuliyiinta wasaaradda warfaafinta Salaasadii maanta in ay xayiraadda ka qaadaan qaar ka mid ah warbaahinta dalka oo la xanibay.

Marwo Samia Madaxweynaha Dalka Tanzania, waxay sidaa ku sheegtay war qoraal ah oo lagu qeexayo amarkaa, iyadoo sheegtay in iyada oo ah hoggaamiye dimuqraadi ah oo aan lahayn wax lid ku ah xorriyadda hadalka aannay aqbali karin in warbaahinta la cabudhiyo.

“Waxaa la ii sheegay inaad ruqsadihii kala noqoteen qaar ka mid ah warbaahinta, oo ay ku jiraan telefishanada internetka qaarkood. Waa inaad xayiraadda ka qaaddo laakiin u sheeg inay raacaan sharciga iyo tilmaamaha dowladda, ayay tidhi, haweenayda MadaxweynahaTanzania.

Marwo Samia, waxay ka hadlaysay intii lagu guda jiray munaasabad lagu dhaarinayay xoghayayaasha joogtada ah ee dhawaan loo magacaabay Aqalka Madaxtooyada ee Dar es Salaam.

 

Waxay si badheedha u sheegtay in ay xukuumadeedu dhawrayso nidaamka dimuqraadiga ah ee dalkeeda iyo xoriyada muwaadiniinta, waxayna iyadoo arrintaa ka hadlay tidhi, “waa laga qaadayo cunaqabateynta saaran warbaahinta qaarkeed, adduunku mar dambe uma arki doono Tanzania waddan weerarrada aan loo baahnayn ku qaada xorriyadda saxaafadda.”

 

Balse waxay warbaahinta usoo jeedisay, kuwa sharciga hore loo siiyay iyo doonaya in ay qaataan ilaalinta sharciga, iyadoo tidhi, “Laakiin hubi in qof kasta oo la siiyo, inuu hore u sii shaqaynta shirkad warbaahineed uu raaco sharciga dalka,” ayay tidhi.

Sidoo kale, waxay sheegtay Marwo Samia Madaxweynaha dalka Tanzania in Xeerarka, ay ahaadaan kuwo furan oo ciqaabta ay soo saaraan mas’uuliyiintu ay la jaan qaadaan dambiga la tilmaamay.

Tusaale ahaan, Sharciga Adeegyada Warbaahinta ee 2016, wuxuu saraakiisha siinayaa awood ay ku xidhaan ururada warbaahinta ee ku xad gudba rukhsadooda,  iyagoo lala wareegayo mashiinada iyo qalabka ah wax ku daabacaan.

 

Mowqifka Madaxweyne Samia ayaa ah mid ka duwan ka madaxweynihii iyada ka horreeyay ee dhowaan geeriyooday, marxuum John Magufuli, kaasoo rikoodhkiisa xagga xoriyada hadalka, warbaahinta iyo dimuqraadiyada  ku jira inuu si cad uga digay wargeysyada dalkaa 2017.

 

Dalka Tanzania oo ku yaal Bariga Afrika, oo xuduud la leh Badweynta Hindiya, inta u dhaxeysa Kenya iyo Mozambique, waxa markii Madaxweynihii dalka uu geeriyooday xilka ula wareegtay si nabadgelyo ah Marwo Samia Suluhu Hassan oo ah haweenay Muslin ah oo kasoo jeeda Zanzibar, waana haweenaydii ugu horaysay ee dal Afrika ah Madaxweyne ka noqota marka laga reebo, Ellen Johnson Sirleaf (Ellen Eugenia Johnson) oo noqotay Madaxweynihii 24aad ee Liberia sannadihii 2006 ilaa 2018.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com