Araweelo News Network.

 

Gondor(ANN)-Ciidamada Suudaan ayaa galay galbeedka dalka Ethiopia ee deegaanka Amxaarada, gaar ahaan Armachiho oo ka tirsan ismaamulka Axmaaradaa ee dhacda Woqooyi galbeed ee dalka ee xadka ay ka wadaagaan Sudan, taas oo ka dhigaysa in ay guddaha usoo galeen dalka Ethiopia.

Sidaana waxa warbaahinta dalka Jarmalka fadhigeedu yahay ee  DW News, u xaqiijiyay saraakiilAmxaaro ah oo ku sugan deegaanka, kuwaas oo aannay warbaahintu sheegin magacyadooda.

 

Saraakiisha gobolka Amxaarada, oo ay soo xiganayso DW news channel, ayaa sheegayn in ka badan 1000 qof oo ku nool galbeedka Armachiho ee gobolka Amxaarada ay ka bara-kiciyeen deeggaankaa ciidamada Sudan oo u awood sheegatay.

Xukuumadda Suudaan, ayaa dhankeeda sheegtay in aannay soo dhaafin ciidamadoodu soohdinta ay wadaagaan labada dal, wallaw aannay xukuumadda Ethiopia ka hadlin wararka kasoo baxaya gobolka is maamulka Amxaarada ee Ethiopia.

Labada dal waxaa hore u dhexmaray dagaal iyo isku dhacyo dhinaca xadka ah oo soo ifbaxay markii uu dagaalku ka qarxay deegaanka gobolka Tigray, iyadoo xukuumadda Ethiopia ku eedaysay in ay Sudan ciidamo soo gelisay guddaha dalkeeda gaar ahaan deegaanka Faqsha oo ay deganaayeen Beeralay Ethiopian ah oo kasoo jeeda qowmiyada Amxaarada.

AKHRI: Dagaalka Tigray Oo Kiciyay Xiisada Gobolka Iyo Suudaan Oo Ciidamo Kusoo Daabulay Xadka Ethiopia

Balse waxa ay dawladda Sudan ku dooday in dhulkaasi yahay mid ay iyagu lahaayeen oo hore un qabsatay Ethiopia xilligana ay soo ceshadeen, waxayna labada dal isku dayeen in arrinta murranka dhulkaa laga wada hadlo oo miiska laysugu yimaado, wallaw aannay waxba ka suurta gelin.

Dhinaca kale, wararka qaar aaya sheegaya in Midawga Afrika  xilligan sheegay in labada dal ee Sudan iyo Ethiopia  ay ku dhex-dhexaadinayaan khilaafka dhulka ay isku hayaan dalalka Midawga Yurub..