Araweelo News Network.

#Somaliland: Madaxweyne Biixi Muxuu Ka Yidhi Natiijada Safarkii Nairobi

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda #Somaliland, Muuse Biixi iyo wafti uu hoggaaminayay, ayaa kasoo laabtay safar qaatay muddo  saddex maalmood ah oo ay dalka Kenya kaga soo laabteen.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa, ayaa galabta kasoo degey garoonka diyaaraha ee Cigaal International Airport, halkaas oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, xubno kamida golaha wasiirada, Taliyayaasha Ciidamada kala duwan, xildhibaano, salaadiin iyo masuuliyiin kale.

weftiga madaxweynaha waxa jidadka caasimada Somaliland ee Hargeysa ku qaabilay qaybaha kala duwan, kuwaas oo hareero tubnaa wadooyinka laamiga ah, isla markaana ku qaabilay wefdiga Madaxweynaha caleemo qoyan.

 

Madaxweyne Muuse Biixi oo warbaahinta kula hadlay gudaha madaarka ayaa faahfaahin ka siiyey ujeedada safarkaas iyo guulaha Somaliland kasoo hoysay heshiisyadii ay lasoo gashay dalka Kenya, waxaanu madaxweynuhu warbaahinta uga jawaabay su’aalo dhawra o ay qaarkood ka waydiiyeen arrimaha safarka.

Halkan Ka Daawo Hadalka Madaxweynaha