#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Dawladda Federaalka ee Ethiopia, ayaa safiir cusub usoo magcawday Somaliland, kaddib markii ay bedeshay wakiilkii hore ee xafiiskeeda Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka gudoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo, safiirka cusub ee Dawladda Federaalka Ethiopia dhawaan usoo magacowday Jamhuuriyadda Somaliland, Amb Delil Kedir Bushra.

Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland, kulanka Madaxweynuhu ku qaabilay Safiirka, ayaa ujeediisa lagu sheegay inuu ahaa soo dhawayn, madaama safiirku ku cusub yahay xafiiska Safaaradda Ethiopia ay ku leedahay Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne Biixi, ayaa u rajeeyey safiirka inuu halkaasi kasii amba qaado xidhiidhkii wada shaqayneed ee xafiiska uu ka hawlgelayaa hore u hayay.

Sida lagu sheegay war qoraalka, waxa kulankaa lagu lafo-guray wada-shaqaynta iyo xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka ee Ethiopia, kaas oo ku dhisan isu-socodka, iskaashiga dhaqan dhaqaale ee labada bulsho iyo arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika, maadaama safiirku hawlahiisa shaqo ka bilaabi doono Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan waxa Madaxweynaha ku weheliyay, Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ahna ku simaha wasiirka, Cabdinaasir Cumar Jaamac. Dhinaca Safiirkana waxa ku weheliyay ku xigeenkiisa.

Ambasaador Delil Kedir Bushra, ayaa hore usoo noqday Wasiir-La-taliyaha Safaaradda Ethiopia ee Brussels, lama ogga sababta loo bedelay safiirkii hore xafiiska Ethipia ugu joogay Hargeysa.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com