#Araweelo_News_Network.

Ethiopia: Ra’iisal Wasaare Abiy Ali Dabacsanaan Ka Muujiyay Xiisadda Ka Aloosantay Iyo Cabsida Laga Qabo colaadda Soomaaliya Ee Heshiiska Badda Cas

 

Addis Ababa(ANN) – Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa muujiyay dareen hoos u dhigay cabsida laga qabo dagaal uu la galo Soomaaliya, kaasoo ku saabsan raadinta marrinka Badda ee dalkiisa oo aan bad lahayn, isagoo sheegay Salaasadii in Ethiopia ay danaynayso oo keliya innay nabad kala dhex dhigto dariskeeda.

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa 1 jan 2024, heshiis is afgarad ah la saxeexatay Madaxweynaha Somalilad Muuse Biixi Cabdi, kaas oo oggolaanaya in  Ethiopia adeegsato Baddeeda.

Hase yeeshee heshiiskaas ayaa ahaa mid ay si weyn uga cadhootay  Soomaaliya oo sheegtay in Somaliland ay ka tirsan tahay Soomaaliya, iyadoo taa bedelkeeda  Madaxweynaha Soomaaliya ka sheegay warbaahinta, isla markaana soo jeediyay inuu diyaar u yahay inuu dagaal la galo Ethiopia si ay uga hortagto innay deked halkaas ka dhisato.

Laakiin sida ay sheegtay ABC News  isagoo la hadlayay sharci-dajiyayaasha Salaasadii, Abiy wuxuu sheegay in aannu “wax niyad ah” ku hayn in uu dagaal la galo Soomaaliya’

Wuxuu sheegay  “Si loo xaqiijiyo nabadda Soomaaliya, kumannaan Ethiopian ah ayaa ku dhintay Soomaaliya,” ayuu yidhi, Ethiopian tusaale usoo qaatay ciidamada dalkiisa ee howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

“Waxaan ku dhimanaynaa Soomaaliya sababtoo ah nabada Soomaaliya waa nabada Ethiopia. Horumarka Soomaaliya waa horumarka dalkeena. Waxaan aaminsanahay inaan nahay walaalo,” ayuu yidhi Abiy.

“Ma doonayno inaan dagaalano. Waxaan rabnaa inaan aragno Soomaaliya oo xooggan oo barwaaqo ah oo suuq u ah badeecadaha Ethiopia”.

Dhinaca kale. Sida ay sheegtay warbaahinta ABC News, Abiy ayaa si la mid ah damcay innuu meesha ka saaro cabsida Masar ay ka qabto biyo xidheenka weyn ee korontadda ee ay Ethiopia ka dhisatay oo Webiga Blue Nile. “Waan wadaagi doonnaa kheyraadkeenna, xitaa mustaqbalka, laakiin rajadaydu waa inaan ka filayo innay sidoo kale na waafajiyaan codsiyadayada,” ayuu ydhi Abiy.

Ethiopia ayaa sheegtay in biyo-xidheenka weyn uu yahay mid lagama maarmaan u ah horumarkeeda, waxayna ku andacoonaysaa in aanu wax saamayn ah ku yeelan doonin Wabiga hoose ee Sudan iyo Masar, kuwaas oo ka cabsi qaba in uu saamayn ku yeesho Biyaha ay helaan. Dhab ahaantii dhammaan 109ka milyan ee dadka Masar waxay ku tiirsan yihiin biyaha Niilka, iyadoo dhowr wareeg oo wadahadal ah laga yeeshay Biyo xidheenka, balse dhinacyadu waxay ku guuldareysteen inay heshiis ka gaadhaan isticmaalka Wadahadalladii ugu dambeeyay, ee labada dal ayaa ahaa kuwii dhacay  bishii Disembar 2023..

Dalka Etthiioia oo in ka baddan 100miyan ku nool yihiin, ayaa la daalaa dhacayay dhibaatooyin dhaqaale , kaddib dagaalo sannadihii u Danbeeyay ka jiray gobolka waqoyiga ee Tigray. Kuwaas oo sababay inuu wajahayo xilligan dhibaatooyin cunta yaraan, iyadoo laga Cabsi qabo macaluul si weyn looga dayrinayo sida ay sheegayaan warbixinaha Ha’yaddaha gargaarka oo ay soo xiganayaan warbaahinta reer galbeedku.