#Araweelo_News_Network.

 

 

Garoowe(ANN)-Guddida ku meelgaadhka aha ee doorashooyinka Ururada maamul gobolleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa shaaciyay natiijadda dadkii codkooda ka dhiibtay doorashada.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Puntland, Cabdiraxmaan Axmed Siciid, oo warbaahinta la hadlay Sabtidii maanta ayaa sheegay in tirada dadka qaatay kaadhadhka ee la filayay inay codkooda dhiibtaan ay ahaayeen 258, 768.

Hase yeeshee, wuxuu sheegay in 30 degmo oo la filayay inay ka codeeyaan tiradaasi ay kusoo ururtay 186, 181, tiradaa oo sida uu sheegay u dhiganta marka la eego dadkii qaatay kaadhadhka  72 %, waxaana ka baaqday inay codkooda dhiibtaan dadkii qaatay kaadhadhka 28%, soddonka degmo, ayuu yidhi.

Laxidhiidha: Guddida Doorashooyinka Puntalnd Oo Soo Saaray Natiijada Hordhaca Ah Ee Doorashada Oo Laga Codeeyay Deegaamo Somaliland Ah

Dhinaca kale, wuxuu sheegay Guddoomiyaha Guddida doorashooyinka Puntland, Cabdiraxmaan Axmed Siciid in marka la eego tirada codkooda dhiibtay ee 72%, ka mid ah waxa si sax ah u codeeyay 177, 445, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin codadka ansaxay, halka 8,736, ayuu sheegay inay xumaadeen, waxaana ansaxay 95.3%, waxaana xumaaday 4.7 %, tirada codka dhiibatay soddonka degmo.

Kuraasta loo tartamay ayuu ku sheegay inay ahaayeen 774 kursi oo soddonka degmo ah, wuxuuna sharaxaad kooban ka bixiyay sida ay ugu kala guulaysteen Ururrada ku tartamayay oo kuraasta iyo codadkii ay kala heleen uu ku dhawaaqay guddoomiyihu, waxayna u kala heleen sidan:-

 

Ruc-cad, wuxuu helay, 919 cod, oo u dhiganta 2 kursi.

Shaqaallaha, wuxuu helay, 3053 cod, oo u dhiganta 7Kursi.

Sincad, wuxuu helay, 28, 793 cod, oo u dhiganta 133 Kursi.

Kaah, wuxuu helay 68, 165 cod, oo u dhiganta 286 Kursi.

 

Mideeye, wuxuu helay, 48, 398 cod, oo u dhiganta 211 Kursi.

Mustaqbal, wuxuu helay, 15, 187 cod, oo u dhiganta 57 Kursi.

Ifiye, wuxuu helay, 12, 930 cod, oo u dhiganta 78 Kursi.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com