Puntland: Madaxweyne Ku Xigeenka Ilyaan Lug-atoor Ee Deni Lala Doortay Ayaa Ku Dhashay Duleedka Hargeysa

 

Garoowe (ANN) Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku guulaystay Doorashada madaxtimada maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, halka lyaas Cismaan (Lug-Atoor) loo doortay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntand.

 

Doorashada ayaa ahayd mid tartan adag loo galay, iyadoo ugu danbaymtii labadan murrashax ku guulaysteen. Saciid Deni ayaa ku guuleystay wareeggii saddexaad ee doorashada oo uu helay 45 cod, halka Guuleed Saalax Barre, oo ahaa musharaxa ay isku soo hadheen uu helay 21 cod.

Illyaas Cismaan Lug-toor oo loo doortay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ee Soomaaliya, ayaa ah nin ku dhashay deegaanka duleedka Hargeysa, sida ku sheegay waraysi uu hore u bixiyay ka hor intii aannu is sharaxin.

Doorashada maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo marar baddan khilaaf ka dhashay, ayaa ka dhigay Siciid Deni madaxweynihii ugu horreeyay ee maamulka Puntland soo mara oo dib loo doorto, wuxuuna xilka hayn doonaa shanta sanadood ee soo socda, balse la saadaalinayaa innay horyaaliin caqabado iyo duufaano siyaasadeed oo sugaya muddadaa, maadaama khilaaf lagu murransanaa qaabka doorashadu noqonay oo dhiig ku daatay sababay in qaabkan loo doorto, kaddib guddi madaxdhaqameed oo dhexgalay arrinta murranka.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hanbalyeeyay Siciid Cabdullaahi Deni , isagoo u rajeeyay in uu ku guleysto waajibaadka loo igmaday iyo xilka uu farayo waajaibaadku.

Sida lagu sheegay dhanbaal Hanbalyo ah oo kasoo Villa Somalia, wuxuu Madaxweynaha dawladda Federaalka Xasan u rajeeyay dadka reer Puntland, maamul iyo bulsho-ba, xasillooni buuxda iyo horumar, isagoo u muujiyay sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay doorkeeda ka qaadato nabadda, wadajirka iyo horumarka Puntland,” ayaa lagu yidhi, qoraalka kasoo baxay Villa Somalia.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com