#Araweelo_News_Network.

Garoowe (ANN)- Rabshado hadheeyay doorashooyinka maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo xaruntiisu tahay Garoowe, ayaa sababay in la hakiyo deegaamo xudun u ahaa doorashada.

Guddiga doorashooyinka KMG ah ee Puntland ayaa hakiyay gebi ahaanba in wax doorasho ah ka dhacaan saddex degmo oo ka tirsan Gobolka Nugaal.

War-saxaafadeed ka soo baxay maanta guddida ayaa lagu sheegay inay go’aamiyeen in la hakiyo doorashada saddexda degmo oo kala ah; Garoowe, Godobjiraan iyo Dangoroyo oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Nugaal.

Guddida, ayaa War-saxaafadeedka ku sheegay in doorashada saddexdaas degmo loo hakiyay sababo la xidhiidha dhinaca amniga, kaddib dhacdooyin amni-darro oo ka dhacay Garoowe.

Doorashada maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa si weyn khilaaf uga taagnaa muddooyinkii u danbeeyay, iyadoo siyaasiyiin deegaanka ah iyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni si weyn isugu maandhaafeen, taas oo sababtay in la gubo sanaaduuq xalay sanaaduuq la doonayay in la geeyo deegaamadaa.

Khilaafka iyo murranka doorashooyinka, ayaa gaadhay isku dhacyo maleeshiyaad deegaanka ah oo sababay khasaare nafeed, waxayna xeer ilaalinta maamulka Puntland todobaadkii hore amartay in lasoo xidho Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole iyo siyaasiyiin kale oo deegaanka ah, kuwaas oo xilal kala duwan qaarkood kasoo qabteen maamulka Puntland, balse xeer ialalinta ayaa mar kale soo saartay qaraar ay sheegtay in ay la noqotay waaranka lagu xidhayay siyaasiyiintaa.

 

Doorashada maamulka Puntland ee Soomaaliya, ayaa ah mid loogu tartamayo golayaasha degaanka Puntland, taas oo ku salaysan qof iyo cod, waxaana loo qorsheeyay wadaa in maalinta berri ah oo ku beegan 25 May ay ka qabsoonto 30 degmo oo ka tirsan Puntland.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net

http://archive.araweelonews.com

www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com